Waddamada Maraykanka iyo Kuuba ayaa ku heshiiyey inay safaraadahoodii dib uga furtaan caasimadaha Washington DC iyo Havana.
Madaxweynayaasha dalalkaasi ee Barack Obama iyo Raul Castro ayaa bishii December ku dhawaaqay inay dib u soo ceshadaan xidhiidhkoodii diblomaasiyada.
Obama ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo taariikhda la furi doono safaaradahaasi.
Waxaa laga yaabaa in ay noqoto bartmaha bisha July. Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxaa looga baahanyahay in ay laba isbuuc oo digniin ah siiso aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka ka hor inta aan safaarad la furin.