‘Meesha Kalagacal Jiro Nolol Ayaa Taalla’ Gandi

0
296

Hogaamiyihii hore ee Hindiya Mahtama Gandi ayaa maalin si degdeg ah ku soo gaadhay tareenkii uu raacayay  oo uu dib uga dhacay. Isla markii uu koray ayuu tareenkii dhaqaaqay, wakhtigaasi uu koryaya ee tareenku dhaqaaqay ayay kabihiisa mid ka mid ahi ka dhacday. Isla markiiba si degdeg ah ayuu iskaga saaray tii kale oo si dhakhso ah ugu tuuray halkii ay kaga hadhay kabtiisa hore. Saaxiibadiis ayaa aad ula yaabay oo weydiiyay waxa ku kelifay arinkan, inuu tuuro kabtiisa kale?  Waxaan uu si degen u yidhi:” Waxaan jeclaaday in qof miskiin ahi qaato beerka kabaha ah, haddii mid keliya uu helo waxba ma tarayso lagama faa’iidaysan karo , anigana mid keliya waxba imatarayso.  Waxaana ay ku fadhiday xikmada uu leeyahay ee ah “ Meesha kalagacal yaalo waxa jirta nolol”. Waa inaan dadka la jeclaado wanaagga iyo waxtarka.

Leave a Reply