Xikmad: Xumaanta iyo Ceebaha Ha Dabagelin

0
611

Waxa la sheegay inuu jiray boqor indhihiisa mid la’  isla markaana ahaa laangadhe uu Maalin isagu yeedhay kooxda sawir gacmeedka samaysa  waxaana uu ka codsaday inay sawiraan isagoo aanay ka muuqan labadan astaamood ee uu leeyahay midkoodana. Dhamaan farashaxanadii sawir gacmeedka ayaa yidhi maya ma samayn karno taasi. Waayo in aanu adiga ku sawiro iyo in aanan muujin calaamadaha aad leedaahay isma qabanayan. Laakin nin keliya ayaa yidhi aniga ayaa ku sawiraya adigoo aan ceebahaasi lahayn haddana adiga ah.
Ninkan ayaa sawir gacmeedkiisa ku sawiray boqorka oo haysta Bunduq isla markaana  isku haya ishiisa madaama wax shiishayo, isla markaana lugtiisa hoos u dhigay   isagoo ka boganaya waxa uu rabo inuu toogto. Sawirkaasi iyo maskax badanaanta ninka ayuu aad ula yaabay boqorka iyo dadkiiba. Waxaana halkaasi ka cadaatay in qof kastaa uu qarin karo ceebaha walaalkii inkasta oo ay dadka u muuqdaan, waana marka aan sida akhlaaqda wanaagsani ku jirto  aan u fikirayno.

Leave a Reply