Philipin: Dhaqanka Guurka Ee Cajiibka Ah

0
326

Dalka Filipin ayaa isn leh dhaqan aad uga duwan kan hore , waana dhaqan gabadha la guurasanayaa ay awoodda leedahay iyadoo si adag isaga baadhaysa ninka guursanaya. Waxaana dhinaca kaynta lagu shidaa dab ololaya. Wakhtigaasi oo ay goob joog ahaanayaan ehelada labada is guursanaya. Gabadha la soo doonay ayaa ninka dabkaasi dhimbiilo ka mid ah dhabarkiisa marmarinaysa sida iyadoo ku kaawiyadaynaysa qaab la isla yaqaano. Haddii uu ninkaasi guur doonka ahi xanuunsado way diidaysa iyadoo u arkaysa nin aan samir lahayn, arrinkaasi ayaa ninka fadeexad ku noqonaysa oo laga yaabo in aanu mar danbe guursan ama gabadh kale yeelin,  haddii uu u adkaystoona waxay noqonaysaa inay is guursadaan.
Gobolo ka mid ah Dalka Shiinaha ayuu ninka ka dalbadaa qoysaska hablaha guurka gaadhay ay liis garaysan yihiin. Waxaana ninka doonya inuu guursado oo qoyska ka dalbada inay tusaan inantood si uu iskaga eego. Ka dibna qoyska gabadha la guursanayo dhalay ayaa ku dhaqaaqa inay qurxiyaan inantooda, waxyna ku ridaan sanduuq loogu talo galay oo aan hawadu ka xidhnayn waana lagu qufulaa. Isla wakhtigaasi ayay qaadaan qaar ka mid eheladeeda waxaana ay geeyaan meel loogu talo galay oo uu ku sugayo ninkii guursanaya gabadha. Marka ay kulmaan ayay ku wareejiyaan sanduuqa iyo muftaaxiisa.  Isla goobtaasi ayuu ku furaa oo iska eegaa haddii ay u noqoto wuxu u kaxaystaa gurigiisa haddiina si fudud ayuu ugu sheegaa in aanay u noqon. Dhaqankan ayaa u eeg sida badeecad la kala iibsanayo oo haddii ay iibsadaha u noqoto uu qaadanayo haddii kale uu iska dhaafayo qaadashadeeda.

Leave a Reply