Dayaarad ku shaqaynaysa tamarta qorraxda (Solar) ayaa iyada oo bedabta soo caga dhigatay jasiirada Hawaii kadib markii ay ka soo kicitantay dalka Jabaan, socdaalkaasi oo qaatay 8,000km waxa ay kaga soo gudubtey badweynta baasifiga.
Fogaanshahaasi waxa ay ku qaadatay in ay hawada ku jiro 118 saacadood, waxaana ay rikoodh u dhigtay dayaarad ku shaqaynaysa tamarta qoraxda oo duuliye wado.
Lugta socdaalkan ayaa hore dib loogu dhigay hawada oo aan saamaxayn awgeed.
Dayaarad oo uu wadey Andre Borschberg ayaa dib loogu fasaxay duulimaadka bil kadib isniintii markii cimiladu hagaagtay.
Lugta labaad ee socdaalka ayaa waxa duulinaya dayaarada bayloot Bertrand Piccard, kaasi oo ka kacaya Hawaii geynayana Phoenix, Arizona.