Waxtar Dhinaca Caafimaadka Ah Oo Ay Leeyihiin Biyaha Baddu

0
412

Biyaha badda waxa ku jira qiyaastii 35 garaam oo cusbo halkii liter ee biyo ah , sida lagu sheegay daraasado badan oo laga sameeyay dhinaca cimillada adduunka.
Biyaha badda ee milixda lihi waxay leeyihiin dhowr faa’iido oo dhinaca caafimaadka ah, inkasta oo la xuso in haddii biyaha badda  loo cabo si xad-dhaaf ah ay keeni karto cudurro dhawr ah.
Isticmaalka biyaha badda waxa loo adeegsadaa nooc ka mid ah daaweynta oo loo yaqaan thalassotherapy, qiyaastii qarniyo ka hor ayaa waxa isticmaalay dad Masriyiin ah, isla markaana isku daweeyay, waxyaabaha ay iska daweeyeenna wax aka mid ahaa:-
Finanka maqaarka
Infeksahanka dhegaha
Daraasad  ay sameeyeen machad caafimaad oo ku yaalla Australia ayaa sheegtay in dabbaasha oo lagu sameeyo barkado ay ku jiraan biyo cusbo lihi ay saamayn wanaagsan ku leedahay daaweynta finanka jidhka ama nabarrada maqaarka iyo infakshanka dhagaha, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay 17 sanno jir.
Daraasadda ayaa tilmaantay in isticmaalka ama ku dabaalasahada biyo cusbo leh ama biyaha baddu ay labadan arimood ee dhinaca caafimaadku ay hoos u riday boqolkiiba 50, gaar ahaan carruurta.
Daraasaddu waxa kale oo ay sheegtay in dabaasha biyaha baddu ay nadiifiyaan maqaarka, sanka iyo dhegahaba.
Nooc ka mid ah cudurada maqaarka ku dhaca oo keena barar, maqaar cuncun iyo sidoo kale cambaarta ay daweeyaan.
Warbixin ay daabacday jariirrada Oceanographic oo laga leeyahay Japan ayaa muujisay in ay biyaha baddu daawayn waxtar u leh u leeyihiin xanuunnada ku dhaca maqaarka, waxaanay xustay warbixintu in biyaha baddu ay bii’yaan cuncunka ee xanuunada maqaarka iyo cambaarta.
 

Leave a Reply