Arthur Booth Oo Noqday Tuugii Ugu Nasiibka Xumaa Ayna Xukuntay Gabadh Ay Isku Dugsi Ahaan Jireen

0
413

Nin u dhashay dalkaasi Maraykanka oo lagu magcaabo Arthur Booth ayaa noqday tuugii ugu nasiibka daraa ,kadib markii uu lasoo qabtay isaga oo xadaaya meel dukaan ah ,waxaana la hor keenay maxkamada lagu magcaabo Miami-dade Court oo ku taalada dalkaasi Maraykanka.
Ninkan ayaa da’ahaan gaadhaaya ilaa 49 sanno jir,waxaanu ninkani markii la qabtay iyada oo lagu eedeeyey fal tuugnimo ah iyo falal kale ,kuwaas oo ahaa sharci jebin.
Arrinta aadka u yaabka badnayd ayaa noqotay kadib markii qaadigii maxkamadaasi oo lagu magcaabo Mndy Gladser ay noqotay mid garanaysa ninkan,iyaga oo isku soo ahaan jiray arday dugsigii hoose iyo dhexe,waxaanay ninkaasi ku xukuntay lacag dhan $43,000 oo Dollar.
Markii ay maxkamadu dhamaatay ee la riday xukunkaasi oo ahaa mid ganaax ah ama damiin ah ayaa qaadigu weydiisay ninkaasi in uu garanaayo iyo in kale,iyada oo ku tidhi “waxaan doonayaa in aan ku Su’aalo ma ahayd arday ka tirsan iskuulka Nautilus?”.isaga oo markaas gartay gabadhan inay isku dugsi ahaan jireen,waxaanay taasi keentay inuu oohin miciinsado,waxaanu hadalkiisu dhaafi waayey Yaa Allah ,Yaa Allah.
Gabadhan qaadiga ahayd ayaa hadalkeeda sii wadatay ,waxaanay tidhi “waxaad ahayd arday waxbarashadiisa ku fiican,waxaad sidoo kale ku fiicnayd dhinaca ciyaaraha,waxaad ahayd qof aan ku daydo ,laakiin waan ka xumahay in aan kugu arko xaalada noocan ah oo aynu ku kulano sidan aad tahay waxanaan ku rajaynayaa isbedel iyo inaad noloshaada wax ka bedesho”.
Ninnkan Booth ayaa goobtaasi iska tegey isaga oo aan hadal ku soo celin gabadhaasi,waxaanu aad u qoomameeyey heerarka ay maanta kala joogaan isaga iyo gabadhaas ay isku Fasalka ahaan jireen.
 


 

Leave a Reply