Isku Shaandheyn Lagu Sameeyay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare Ee Dalka

0
419

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilkii ka qaaday xubno ka tirsan Garsooreyaasha maxkamadda sare ee Somaliland, isla markaana xubno cusub u magacaabay inay garsooreyaal ka noqdaan maxkamadda sare ee dastuuriga ah.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:-
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3438/072015 xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Garsooreyaasha maxkamada sare.
 
Madaxweynuhu:-
 
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Arkay:Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo;
Markuu Isku Qanciyey:In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Axmed Diiriye Qaalib, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamed Faarax Siciid, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Aadan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Yaxye Cali Idiris, uu ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
 
 
Xilka qaadis
 
 
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda;
Markuu Yaqiinsaday:In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday laga bilaabo taariikhda maanta
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Axmed Xasan Dirir.
In uu xilkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraalle.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply