“Go’aanka Guurtidu Waa Sharci, Waana Dastuuri, Waxa Layaab Leh In Gudoomiye C/raxmaan Cirro Yidhaahdo Waa Sharci Darro”

0
483

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horeysay sheegay in go’aankii muddo kordhinta Golaha Guurtiddu u samaysay Golaha Wakiiladda iyo xukuumaddu uu sharci yahay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu la yaaban yahay Guddoomiye Cirro oo isagu ku fadhiyay muddo shan sannadood ah muddo kordhintii Guurtidu uu naqdiyo go’aanka aqalka odayaasha.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shir jaraa’id shalay  ku qabtay xarunta madaxtooyadda ka hor intii aanu u kicitimin socdaal shaqo oo uu ku tagay gobollada barri ee dalka, halkaasi oo uu ka furayo  mashaariic  horumarineed oo laga hirgeliyay deegaammadaasi.
 
Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka akhriyay qoraal uu kaga hadlayo xaaladda dalka, waxaanu khudbadiisu u qornayd sidan:- “Waxaan Salaan iyo hambalyo u dirayaa dhammaan bulshadda Somaliland meel-kasta oo ay joogaan, Salaan qiimo badanka dib waxaa maanta ii qorshaysan in aan safar kooban ugu baxo dalka gudihiisa aniga oo ka war helaya una kuur galaya mashariic horumarineed oo kasocota meelo badan.
Indhawayd waxaa dhegahayga kusoo dhacayay mucaaridka oo ka hadlaya arrimaha doorashooyinka, qaar ku hanjabaya inay qarankan burburinayaan iyo qaar ka hadlaya go’aankii Guurtida ee ay dhawaan mudada ugu kordhiyeen, golayaasha qaranka ee dastuuriga ah.
Arrimaha Doorashooyinka
Waxaan leeyahay annagu waanu diyaarinay wax kasta oo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haddii ay tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhammaan waa naga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka Golaha Wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arrimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka,  waanan ku ixtiraamaynaa, waana ka sugaynaa ee dhammaanteena aan  la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashadda.
Go’aanka Guurtidu waa sharci, waana dastuuri,waxaana layaab leh in gudoomiye C/raxmaan Cirro yidhaahdo waa sharci darro, waxaana la wada ogyahay in uu isagu ku fadhiyo korodhsiimadda Guurtida ,kuna fadhiyey 5 sanadoodoo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Cirro leeyahay kursigaaan ku fadhiyaana waa xaaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xallaal iyadoo Guurtiduna oo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaridku kala korran yihiin,dhawaaqyadda  soo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku deg-degayaan hadallo dhiif leh oo niyad jabku ah shacbiga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.
Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecel yahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya.
Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaan sanahay ,waana ixtiraamaynaa ka manaaanu bixin, balse, weli lama sharciyeyn waxaan aanu leenahay aynu sharciyayno,oo Guurtida ka dhiraan dhirino.
Dawladaydu waa sharci, way jirtaa waanay, jiri doontaa waxaana xil ka igala wareegi doona dawlad la soo doortay oo sharci ku timaada. Dalkana masuuliyadiisu annagayna saaran tahay, Cid kasta oo sharciga gudub marta oo iska indho-tirtaa waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo aanay mahadin doonin cawaaqibkeeda.
Waxaan bulshadda Somaliland kula dardaarmayaa isku duubnida, illaalinta nabad-gelyada iyo inay gacmaha isu, qabsadaan,horumarka dalka.”
By: Cumar M. Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply