Madaxweyne Siilaanyo Oo Xaqiijiyay Dhamaystirka Mashaariic Uu Hore u Dhagax Dhigay

0
403

Burco(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka dhabbeeyay mashaariicda horumarineed ee uu dhagax dhigo waxaanu shalay furay oo uu xadhiga ka jaray mashaariic cusub  oo uu hore u dhagax dhigay  oo laga hirgaliyay inta u dhaxaysa Hargeysa illaa Burco ka dib  markii uu socdaal shaqo ugu baxay gobollada bariga dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu baxay gobollada Bari ee dalka ayaa intii ay  ku jireen socdaalkooga Hargeysa illaa Berbera waxay soo dhawayn weyn kala kulmeen oo aad loogu soo dhaweeyay degmada Dacarbudhuq iyo tuulooyinka u dhexeeya Hargeysa illaa Berbera oo ay dadwaynuhu waddooyinka tubnaayeen isla markaana ay si kal iyo laab ah u soo dhawaynayeen weftiga uu Madaxweynuhu hogaaminayo.
 
Madaxweynaha ayaa furay oo xadhiga ka jaray wadada u dhaxaysa Xamaas Illaa Berbera oo 38 KM oo Madaxweynuhu hore u dhagax dhigay  oo la dhamaystiray intaa ka dibna  Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxaa maalintii shalay qado loogu sameeyay Berbera. Madaxweynaha  iyo weftigiisa ayaa u gudbay isla shalayba xarunta gobolka Togdheer ee Burco intii Weftiga Madaxweynuhu ku gudo  jireen socdaalka Togdheer iyo Saaxil ayuu Madaxweynuhu uu xadhiga  ka jaray oo uu furay 56 KM oo xidhiidh ah  oo ah jidka  laamiga ah  dhexeeya Berbera iyo Sheekh halka 14 KM oo ka mid ahaa 70 KM oo laga samaynayay Berbera illaa Sheekh hawshoodu socoto oo loogu tallo galay in meelaha dayac-tirka u baahan lagu dhammaystiro isla markaana hadda gacanta lagu hayo.
 
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa soo dhawayn kala kulmay dadweynaha ku dhaqan deegaamada u dhexeeya Burco illaa Berbera. Intaa  ka dibna waxay Madaxweynaha iyo Weftigiisu soo dhaweyn balaadhan kala kulmeen dadweynaha magaalada Burco,masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco iyo guud ahaan qaybaha  kala duwan ee  bulshada Burco oo kaga hor yimi tuulada  Galoolay.Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa xalay kulamo   la yeeshay Madaxda iyo masuuliyiinta laamaha Dawladda ee heer gobol iyo degmo eek u sugan magaalada Burco.
 
Madaxweynaha ayaa  sidoo maanta furi doona mashaariic horumarineed oo laga hir galiyay magaalada Burco.
 
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa marka ay dhammaystaan socdaalkoogda shaqo ee Burco waxay u sii gudbi doonaan gobollada Saraar iyo Sanaag  kuwaas oo Madaxweynuhu soo furi doono mashaariic cusub oo laga fuliyay  isla markaana waxaa uu Madaxweyne Siilaanyo  xadhiga ka jari doonaa wadada Ceerigaabo oo qeybo ka mid ah la dhammaystiray. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka dhabeeya mashaariicda uu dhagax dhigo dhamaystirkooga waxaanu muddo kooban ku furay mashaariic tiro badan oo wakhti yar  ka hor uu dhagax dhigay.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply