Ardayad Kulliyada Caafimaadka Jaamacad Burco Oo Soo Bandhigtay Kiish Loo Isticmaalayo Badalkiisa Bacaha Oo Ay Ikhtiraacday

0
391

Salma Cawil Saleebaan ah mid ka mid ah gabdhaha wax ka barta Jaamacada Burco,  gaar ahaan kulliyadda Caafimaadka ayaa markii u horreysay hal-abuur waxtar leh ku soo bandhigtay xafiiska kulliyada caafimaadka ee Jaamacada Burco.
Salma waxay samaysay baagagga gacanta lagu qaato ee adeega fudud lagu rito , waxa ay u samaysay si farshaxan iyo qurux leh , waa baag lagu qaadan karo agabka kiisa qalalan iyo ka qoyanba , mana aha mid waxyeello u geysanaya deegaanka iyo xoolaha.
Salma Cawil Saleebaan iyada oo ka hadlaysa sida ay ugu dhalatay fekredda curinta ee baagaga waxa ay tidhi: “Fekreddani waxa ay igu dhalatay intii aan jaamacada Burco dhiganayey , markii ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la mabnuuco oo la joojiyo bacda wax lagu qaato, waxaana igu beermay in aan sameeyo wax soo saar cusub oo lagu bedelo bacan wax lagu qaato,” . Salma iyada oo ka warbixinaysa cidda ku dhiiri gelisay in ay talaabadan fuliso waxa ay tidhi; “markii hore aniga oo niyadda ku haya in aan fekred noocan ah abuuro ayaa haddana waxa dhiiri gelin weyn igu abuuray macallinkii tarbiyadda noo dhigayey , Cabdishakuur Cali Saleebaan oo noo sheegay in qofka hal-abuur cusub curinayaa ay suuro gal u tahay in uu sameeyo”.
Baagaga oo iyagu ah qaar raandhiiskoodu aad uga badan yahay bacaha ayaa wax laga waydiiyey salma , qaabka ay farsamadan u samaysay iyo halka ay markii hore xirfadda sammaynta baaggaga ka heshay waxa ay tidhi: “alxamdulilaah, horta marka hore wax fekred ah kama aanan haysan , waxa keliya oo aan arki jiray baagaga telefeeshanada aan ka daawado oo wax lagu qaato , waanan jeclaa inaan kuwaas oo kale sameeyo, markii ay fekreddani igu soo dhacday maan garanayn waxa aan ka samaynayo , alxamdulilaah , markii danbe sidii aan u baadhayey ayaa waxa tijaabooyin kala duwan aan ku helay in ay ii soo baxday wax qurux badan”.
sidoo kale waxa ay intaa ku dartay in baaggani uu kaga duwan yahay bacaha , isaga oo qaadaya waxa qalalan , waxa qoyan iyo culayska , waa kala cabir iyo mug oo mid kastaa wuxuu qaaddayaa mug iyo miisaan loo qoondeeyay.
waxa sidoo kale la waydiiyey Salma markii ay hordhaca wax soosaarkan tustay bulshada qaarkeed fal-celinta iyo dareenka ay muujiyeen waxa ay tidhi: “wallaahay horta qofka aan tuso umaan sheegayn in aan baagan anigu sameeyay, markaa kolkaan ku idhaahdo ka warrama waxay iigu jawaabayeen , walaal ma debaddaa lagaaga keenay , xaggee laga keenay ama yaa ku siiyay , may garanayn inaan anigu sameeyay. marka danbe ee aan u sheego in aan anigu sameeyay qof kastaa wuu amakaagayey oo su’aalo badan oo sida aan u sameeyay ku saabsan ayuu i waydiinayey”.
ugu danbeyn waxa ay si toos ah u cabbirtay salma riyadeeda mustaqbalka iyad oo sheegtay in ay ku hammiyayso inuu noqdo hal-abuurkan cusubi shirkad weyn oo Somaliland oo dhan baahi tira kol haddii laga joojiyey bacahii ay wax ku qaadan jireen, marka danbane ay u tallowdo dalalka geeska afrika oo idil.
Dhinaca kale Hormuudka kulliyada caafimaad Jaamacada Burco ee Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ay ardaydiisa ka mid tahay ayaa dhiiri gelin weyn ku siiyay Salma in ay ka midho dhaliso fikreddan oo ay noqoto mid ay ku xaqiijiso riyadeedaas, sidoo kale waxa uu dardaaran ka siiyay in ay barashada caafimaadku ahayn mid carqalad ku ah currinta iyo ka midho dhalinta fekredaada ay aad wadanayso , waxa dhakhtarku uu sheegay in ay ardaydani tahay mid dhibco wanaagsan ka hesha imtixaanada . waxaanay u baahan tahay in la maal geliyo fekreddan wanaagsan ee ay keentay ardayaddu.
 
 
 

Leave a Reply