Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 23-aad

0
432

Lacagtu sideedaba waxa ay leedahay hannaan lagu ilaaliyo, hadday tahay heer caalami, heer Gobol iyo mid dalba. Adduunku si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa  lacagta ee dunida waxa ay  u sameysteen hay’ad u gaar ah,waxana ka mid ah tan la yidhaa [Monetary system } taas oo dhawaan dood caalami ah ka furay raadka ay lacagta elektarooniga ah ee lagu kaydsado, lagana diri karo telefoonnada gacanta.
Doodahaas waxa lagu falan-qeeyey oo si ballaadhan loogu lafo-guray saameynta ay lacagta elektarooniga ee [ E-money] loo yaqaano oo haatan adeegsigeedu uu ku sii fidayo dunida, gaar ahaana dunida saddexaad loogu curin lahaa hannaankii Maamul iyo xeerarkii ay kula socon lahaayeen Baananka Dhexe. Marka laysku soo ururiyey doodihii ay jeediyeen culimada dhaqaalaha ee dunida qaarkood oo ku kulmay dalka Talyaaniga 2014, waxa ay isugu soo biyo shubatay in hadday xeer la’aan dunida kaga hawl-galaan shirkadaha isgaadhsiinta ee  ka bilaabay dunida meelo ka mida adeegsiga [ E-money] ay khalkhal gelin karaan nidaamka dhaqaale ee dalalka ay ka hawl-galaan.
Sidaa darteed, waxa laysla qaatay in lagama maarmaan tahay inay si toos ah Kambaniyada ku shaqeysta lacagta elektarooniga ee loo adeegsado telefoonnada gacanta ugu xidhmaan Baananka, si wax kasta oo madmadaw ah oo ka dhallan kara adeeggan, si aanu adeeggani gacanta ugu gelin cid ujeeddo gaar ah  leh oo si khaldan u isticmaali kara ama khiyaanooyin kale oo lagu minja-xaabin karo dhaqaalahooda dal kasta oo uu ka jiro isticmaalka adeegga [E-money] waana ka mid waxyaabaha ay ka dhalatay dooddaa ka dhacday dalka Talyaaniga.
Xukuumad kasta oo ka jirta dunida, waxa ay leedahay hay’ado kala duwan oo mid walba u xil saaran tahay hawl iyada u gaar, taas oo laga doonayo inay mas’uuliyiinta loo igmadaa inay  ku shaqeeyaan nidaamka iyo shuruucda hay’adaha loo dhiibay xilalkooda. Haddaba Baanka Dhexe ee JSL waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidaan marar hore oo badanba soo xusnay inuu ilaaliyo qiimaha shillinka Somaliland si ay bulshada reer Somaliland ugu kalsoonaadaan lacagtooda, isla markaana ka hawl-galaan siday uga hortegi lahaayeen sicir-bararka.
Baanka Dhexe ee JSL oo muddo hore marmarsiiyo ka dhigan jiray in aanu awood u lahayn Baanku inuu tallaabo ka qaado dadka ka shaqeysta sarrifka lacagaha qalaad iyo kuwa kale ee siyaabaha kala duwan uga ganacsada lacagta sida tan lacagta elektarooniga ee lagu isticmaalo telefoonnada gacanta oo ah ta maanta gayaysiisay shacbiga inay u goyn kari waydo wixii yaraa ee ay soo xoogsadeen nolol maalmeedkoodii, sicir-barar awgeed. Haseyeeshee inkastoo Baanka Dhexe ee JSL waqti hore uu Baarlamnku u ansixiyey dhammaan xeerarkii uu wax kaga qaban lahaa dadka abuuraya sicir-bararka iyo sabbeynta qiimaha shillinka Somaliland, ayaa haddana waxa muuqata in aanay illaa hadda oo uu mar kasta hoos u sii socdo qiimaha shillinkeenu, geesta kalana uu sicir-bararku kor u sii socdo waxba ka qaban mas’uuliyiinta Baanku, sidoo kalena wax tallaabo ah ka qaadin cidihii ay ku tilmaami jireen inay dabada ka wadaan sicir-bararka.
Xaalufku maaha oo kaliya ka deegaanka dabiiciga ah ku habsada   ee waxa jira isna xaaluf dhinaca dhaqaalaha oo si illaa heer qof-qof ah loogu sameyn karo jeebabka dadka, taasoo ah markaad maalin walba la kulanto shaygii aad toddobaad  ama laba toddobaad ka hor siisatay 4000 Sh.Sl  oo noqday labanlaab, kadibna dib ugu laabato gurigaagii adigoo ka faro  madhan wixii uu qoyskaagu u baahnaa. Tani waa tusaale ka mid ah xaalufka dhaqaale ee ay dal iyo dadkiiba ku keeni karaan wax kasta oo aan lahayn xeer iyo nidaam lagula socdo toona, sida adeegga ZAAD oo ah kan ugu baaxadda weyn ee saameynta ballaadhana ku yeeshay dhaqaalihii dalka oo haatan taabtay ilaa qof, balse weli aanay fahamsanayn bulshada halka laga Dhiig miiranayo.
LA SOCO……………………..

Leave a Reply