Shil Baabuur Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Burco

0
551

Burco(Dawan)- Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku dhintay toban kalena,  way ku dhaawacmeen ka dib markii Gaadhi ay la socdeen kula qalibmay  duleedka tuullada Qoyta  oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada  Burco.
Gaadhigan oo noociisu ahaa NOHA,  ayaa la sheegay inuu ka yimid degmada Buuhoodle kuna socday magaalada Hargeysa.  dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu dawaynayo masuuliyinta caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa xaqiijiyay in laba ka mida dhaawacoodu  culus yahay.
Sida la ogyahay waxa maalinba  ta xigta kor u sii  badanaya shilalka gaadiidka ee guud ahaan Somaliland oo geysta khasaare  naf iyo maalba iskugu jira.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply