Sagaal Qof Oo Haraad iyo Macaluul Ugu Geeriyooday Degaamo Ka Tirsan Gobolka Selel

0
504

Saylac (Dawan): Sagaal qof ayaa la sheegay in ay maalmihii u dambeeyay Haraad iyo Macaluul ugu dhinteen    degaamo ka tirsan gobolka Selel,  Sida uu xaqiijiyay  Guddoomiyaha Gobolkaasi C/rasaaq Waaberi Rooble.
Dadkaasi Haraadka iyo Gaajadda u dhintay ayaa isugu jira qaar ka mid ah dadka degaanka iyo kuwo safar ah oo la sheegay in ay  Banka Giriyaad ku geeriyoodeen. Sidoo kale waxaa abaartaasi  u le’day xoolo aad u tirro badan.
 
“Way jirtaa abaartaasi, oo waxaa degaankani ka jirta abaar aan nooceedda weli hore loo arag, sanadkii labaad oo aanu roob ka di’in ayay noqonaysaa, roobabkii Gu’ga ee la filayay sanadkan ilaa hadda lama hayo, baad iyo biyo-ba way yaraadeen, waxaanu gobolku galay xaalad aad u adag, xooluhu in badanina way dhimatay in kalena way ku dabo-xigtaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Selal oo shalay u waramayay Laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
 
 
Badhasaabku waxa uu intaas ku daray “Waxaan u kala saarayaa laba qaybood dadkaasi dhintay, ilaa afar qof waa dadka xoolo dhaqatadda ah oo Haraad iyo Gaajao u dhintay, shan qof oo kalena waa dadka socotadda ahaa  ee meelaha kale ka yimid. Waxaana ugu wacan cimiladda oo aa du kulul oo aanu qofka maalintii socon karrin 2KM biyaha uu sitaana ay markaaba ka dhamaanayaan, Siifadii abaarta iyo Siiggo meesha ka dhaaysa oo aanu qofka Indhaha kala qaadi Karin, inta aa nog nahay guud ahaan ilaa sagaal qof ayaa u dhintay dhibaatadaasi.”
 
C/rasaaq Waaberi, oo faahfaahinayay meesha ay dadkaasi ku dhinteen, iyo sida ku ogaadeen in ay Macaluul iyo Haraad u dhinteen iyo in ay siyaabo kale u geeriyoodeen. “Waxay ku dhinteen inta u dhaxaysa Jidhi iyo Lawyo-cadde, waxaanu ku ogaanay in ay Haraad iyo Gaajo u dhinteen dadka qaar ayaa iyaga oo xoolahoodii wata ayuu qofkii geed hoostii ku dhimanayaa,war-doonkuna meel walba wuu noo joogaa,  is-gaadhsiintuna way jirtaa, kadibna waanu tagnaa markaas ayaa la noo cadeeya in uu qofku Haraad iyo Macaluul u dhintay. Dadkana waa laga arki karaa in ay waxyaabahaasi u dhinteen” ayuu yidhi C/rasaaq Waaberi Rooble.
 
 
Waxa kale oo  uu sheegay badhasaabka Selel in ay ka muumul ahaan  caawimo gaadhsiiyeen dadkaasi abaartu haysato intii awoodoodda ah, isla markaana ay xukuumadda iyo hay’adaha caalamaiga ah ka filayaan in ay maalmaha soo socda gaadhsiiyaan taageero.
Waxaanu yidhi “Annagu intii karaan kayaga ah waanu dedaalnaa, wixii aanu gaadhsiin karno waanu gaadhsiinaa, dawladdana waanu soo gaadhsiinay qaylo-dhaanta, waxaanay xukuumadu qaadatay in ay ku dhawaaqdo  qaylo-dhaan dhawaana wixii awoodeedda ah way soo gaadhsiinaysaa. Waxaanu madaxweynuhu soo jeediyay baaq ah in degdeg looga hawl galo oo biyo dhaamis  la gallo,  oo wixii la heli karo la soo gaadhsiiyo.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply