Ala-Diqiya : Magaalo Isku Darsatay Qurux Iyo Aqoon

0
357

Ala-Diqiya waa magaalo ka mid ah kuwo ugu quruxda badan dalalka Carabta, waxay ku taalla dalka Suuriya, xeebta Badda cad waxayna caasimadda Dimishiq uga jirta dhinaca waqooyi 395 km. Taariikh ayaa lagu sheegay in la asaasay 7 kun sano ka hor taariikhda miilaadiga.
Tirada dadka ku nool magaaladan ayaa sanadkii 2009 lagu qiyaasay 650 kun qof. Waxaana ay isugu jiraan Muslimiin suni ah, Calawiyiin iyo Masiixiyiin.
Dadka magaalada degan ayaa ah dad aqoon yahano ah, waxaana lagu qiyaasay dadka aan aqoonta lahayn 9%.  Waa magaalo qurux badan oo isku darsatay inay noqoto xarun ganacsi oo ay ku yaalaan wershado badani. Waxa kale oo ay noqotay magaalo xarun u ah aqoonta iyo dalxiiska. Waxaana lagu qiyaasay dadka booqda sanadkii nus malyuun qof oo dalxiisayaal ah.  Waxa kale oo magaalada ku yaalla goobo taariikh ahi oo ay dhiseen maamuladii kala danbeeyay ee xukumi jiray, waxaana ka mid ah xaruntii Salaaxa diin Al-Ayuubi. Wakhtigan ayay saamayn weyn ku yeesheen dagaalada ka socda dalkaasi. Dagaalada sokeeya ayaa burburiya quruxda iyo nolosha qiimaha leh.

Leave a Reply