Hargeysa (Dawan)- Guddida Mus-dambeedka ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo dhammaantood ka soo jeeda beesha galbeedka Burco ayaa walaac ka muujiyay fur-furka ku yimi xisbiga Waddani oo muddooyinkii u dambeeyay ay ka baxeen saraakiil sarsare oo xilal muhiim ah ka hayay xisbiga.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka mid ah gudida mus-dambeedka xisbiga WADDANI oo la hadlay warbaahinta u adeegta xisbiga Waddani ayaa waxa uu xukuumadda kula soo galgashay xagal daaca ku yimi xisbiooda oo si maalinle ah ay uga dareerayaan xisbiyahanadii beelaha kale ee Somaliland kaga jiray WADDANI, ka dib markii uu noqday xisbi u afduuban cid gaar ah oo isku beel ah.
Xildhibaan Cabdiraxmaan isaga oo ka hadlayay xubnihii ka baxay xisbiga WADDANI waxa uu yidhi “Waxay ahaayeen dad aan mabda’ lahayn, oo cilmi lahayn oo xirfad lahayn, waxaan leeyahay xukuummada xoogaaga lacagta ah ee aad dadka ka qaadaan ka daaya ha u isticmaalina furfurka xisbiga Waddani.Waxa xukuumaddu awooda saartay furfurka xisbiyadda , annaga waxba naga qaadi maysaan, ma nihin dad liig-liiganaya oo mudadu ku dheeraatay.”
Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu si qaawan u weeraray warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay bilowday inay laaluush iyo mustafayn inay siiso saxaafadda, haddii ay noqon lahayd Telefishan, jaraa’id iyo websayadii. lacag ayay la daba taagan tahay.”
“Saxaafadu maalinta la xidhana waxay naga dhigtaan cagaf lagu jilaabto, maalinta wax loo dhiibana hoosta ayay dhigaan warkayaga markaa waxa aan leeyahay saxaafadeey isku heli maysaan maalina noo hadla maalinta kalena inaad waxayaga aad hoosta dhigtaan.” Ayuu yidhi Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Xoog.
Dawannews Hargeysa office