Hargaysa (Dawan): Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii maxkamada sare ee dastuuriga ah ay qaraarka ka soo saartay khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha Wakiillada, iyadoo maxkamadu go’aankeedaasi ku laashay heshiiskii seddexda xisbi qaran ay ka gaadheen arrimaha doorashayooyinka.
Go’aankaasi ay maxkamada sare ku soo af-jartay khilaafka arrimaha doorashooyinka ayaa si weyn looga soo dhaweeyo guud ahaan dalka Somaliland. Waxaana goobaha ay bulshada ku kulanto ee Makhaayadaha laga Shaaho iyo suuqyada magaaladda Hargaysa si aad ah looga dareemayey hadal haynta go’aankaasi.
Wargeyska DAWAN ayaa u kuurgalay sidda ay bulshadu u aragto go’aankii maxkamadda sare, Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa waxa ka waydiinay sida ay u arkaan go’aankaas. Waxaanay dadka aan u la kulanay kaga dareen celiyeen arrintaasi talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, iyagoo badankoodu sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan qaraarkan.
Sidoo kale dadkani aanu dareenkoodda waydiinay waxay seddexda xisbi qaran ku bogaadiyeen sidii qiimaha iyo sharafta lahayd ee ay ugu hogaansameen ama ugu qanceen go’aankii maxkamada sare, kaasi oo ay ku tilmaameen mid muujinaya lexejecladda ay dalkoodda iyo dadkoodaba ka qabaan, isla markaana u ixtiraamayaan hay’adaha sharciga iyo shuruucda dalka u yaalla.
Nin ka mid dadka aanu la kulanay oo magaciisa ku koobay Ladane, oo ah macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee 26 June ee magaaladda Hargaysa, oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko go’aankaasi waxaanu yidhi “Maxkamada sare go’aan rasmi ah ayay gaadhay. Kii sharciga ahaa ayay gaadhay. goaankii cadaalada ahaa ayay gaadhay. Anaguna sidaas ayaanu aad iyo aad ugu taageer sannahay, kuna faraxnay haddii aanu nahay ummadda Somaliland”.
Maxamed Jaamac Jamaal, oo ku nool Hargaysa oo aanu isna waydiinay sida uu u arko go’aankii ay maxkamada sare ka soo saartay khilaafkii xisbiyada qaran iyo Guurtida. Waxaanu ku jawaabay “Marka hore waxaan aad iyo aad ugu farax sanahay in madaxwaynuhu uu u gudbiyey sharcigiii ay isku hayeen siyaasiyiinta maxkamada sare, taana wuu ku mahad san yahay.
Maxkamaduna waxay ka gaadhay sharci, oo ay qodobada sharcigan ah aanay dhana uga baydhin oo si wanaagsan bay u kala xukuntay oo ay ku kala bad-baadisay, xisbiyada mucaaridka ahina go’aankaa ay qaateen aad bay ugu mahad san yihiin” ayuu yidhi Maxamed Jaamac Jamaal oo ka mid ahaa dadkii aanu la kulanay.
Mustafe Axmed Cabdilaahi oo noo sheegay in uu ka soo qalin-jebiyay Kuliyada sharciga ee jaamacadda Hargaysa ayaa isna aad ugu mahad celiyey gudoomiyaha maxkamada sare iyo gar-sooreyaashii tafsiirka sharci ku soo sameeyay arrintii uu muranku ka taagnaa.
Waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa gar-sooreyaashii iyo gudoomiyaha maxkamada sare gar-yaqaan Aadan Xaaji Cali, ka garnaqii dacwadii mudada kooban ay qaraarka kaga soo saareen arrintii muranka dhalisay. Qaraarkaasi oo ahaa mid waafajisan shuruucda wadanka u yaalla, markaa aad baan ugu mahad celinyaa.”
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office