Ugu yaraan hal qof ayaa dhintey kadib markii ay isku dhaceen laba dayaaradood oo yaryar iyaga oo sameynaya dhoolatus hawada ah.
Shilka ayaa ka dhacay sida ay sheegeen boolisku waqooyiga Switzerland.
Warbaahinta Swiss ayaa sheegtey in beyloodadii midkood ay u suuragashey inuu ku baxsado baarashuut.
Shilka dayuuradeed ee ka dhacay Switzerland ayaa yimi maalin kadib markii ay 11 qof ku dhinteen, qaar kalena k dhaawacmeen markii ay dayaarad milateri oo bandhig sameynaysay ku soo dhacdey dariiq mashquul ah koofurta UK..