Hargeysa (Dawan) –Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii shalay waxay cod ku ansixiyeen mooshin sharci darro ah oo aan la marinin nidaamkii xeer hoosaadkoodu u dejiyay in la waafajiyo mooshinadda Golaha la hor-keeno. Waxaanay laaleen heshiis aanay xukuumaddu rasmi ahaan u gelin oo ay kaga hor-degayaan in shirkado ganacsi lagu wareejiyo maamulka haamaha shiidaalka Berbera.
Mooshinkan oo aanu Goluhu marin la Taliyeyaashooda dhinaca sharciga isla markaana aan laga doodin ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu cod u qaaday mooshinkan oo lagaga hortagayay hindise aan wali bislaanin, waxaana markii fadhigu furmay ee uu arkay sida wax u socdaan fadhigaas ka baxay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalka Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax.
Fadhigii shalay oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa ka soo xaadiray 55 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay. Waxa diiday oo ka horjeedsaday in haamaha shiidaalka lagu wareejiyo shirkado ganacsi 40 Mudane, halka ogolaaday 9 xildhibaan, waxa ka aamusay 5 xildhibaan, Gudoomiyuhuna muu codayn.
Geesta kale waxa go’aanka ka biyo diiday xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid ah Guddida ilaalinta hantida qaranka oo ahayd Guddidii Golaha horkeentay warbxinta ku saasbsan haamaha shidaalka, taas oo uu ka dhashay mooshinkani. “Waxay ahayd in mooshinkaas sida sharcigu yahay loo gudbiyay la taliyaha arrimaha shuruucda ee Golaha waxa uu ka yidhaahdana la sugo. Markaa maanta (Shalay) waxa ka dhacay Golaha Wakiilada af-duub lagu sameeyay kaalintii uu lahaa garyaqaanku iyo shuruucdii Golaha u taalay . Dawladdu haddii ay cid wax ku wareejinayso waa wax ay xaq u leedahay, iyadana waxa xaq loogu leeyahay in aanu arragno shuruudaha ay ku bixisay, si aanu miisaanka u saarno in qaranka faa’iido ugu jirto iyo in kale. Markaa iyadoo aanaan arrimahaas gaadhin oo ay tuhun uun tahay ayaa go’aankan la qaatay,”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe.
Mooshinkaas qayrul sharciga ah ayaa waxa olole u galay meel-marintiisa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, xildhibaanno ka tirsan Golaha iyo dad ganacsato ah oo danno dhaqaale kaga xidhan yihiin maamulka haamaha shiidaalka. Waxa kale oo la weriyay in ololaha mooshinkan daba kka riixayay uu kaalin shariif ah ku lahaa Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Berbera Sh. Saleebaan Siciid Cali, kuwaasi oo ku guulaystay inay jilaabtaan Xildhibaanno badan oo muxaafid ah oo dano dhaqaale lagu jiitay.
Tallaabadan uu Goluhu muhmalka iyo wararka ku tiri-kuteenta ah ku go’aan qaatay, waxa uu si cad uga hor imanayaa Qoddobka 12-aad ee dastuurka JSL oo ka hadlaya Hantidda Guud Iyo Khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Fiqradda 3-aad ee qoddobkaa oo u qoran sidan “Xukuumaddu waxay awood u leedahay Inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti guurto ama ma-guurto ah, inay iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.”
Dawannews Hargeysa office