Laascaanood (Dawan): Afar qof ayaa ku dhintay ilaa todoba kalena way ku dhaawacmeen iska hor imaad hubaysan oo shalay laba beelood oo Ood-wadaag ah ku dhexmaray meesha la yidhaahdo Qoriiley oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana magaaladda Laascaanood kaga began Koonfur Barri.
Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shirre, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland oo sida uu sheegay u joogga hawlo shaqadiisa la xidhiidha.
Yaasiin Maxamed Shirre, waxa uu sheegay in dagaalkan dhexmaray labadan beelood ee wada degga Qoriile in hal qof uu ka hdintay midna uu ka dhaawacmay beesha ka soo jeedda dhinaca Somaliland, hase yeeshee warar madax-banaan oo aanu arrintaasi ka helnay ayaa sheegaya in khasaaruhu uu intaasi ka badan yahay, isla markaana afar qof oo labadda dhinac ahi ay ku dhinteen ilaa todoba kalena ay ku dhaawacmeen.
Badhasaabka gobolka Sool oo ka hadlayay waxa uu kala socdo dagaalkaasi iyo khasaaruhu inta uu le’eg yahay waxa uu yidhi “Dagaalkaasi wuu jiraa oo shalay (doraad) ayuu dhex maray laba beelood oo midna ka soo jeedo Somaliland, (Dhul-bahante) ta kalena ay dhinaca Soomaaliya (Majeer-teen) ka soo jeedo ayuu u dhexeeyaa. Maantana (shalay) dib ayaa la isugu soo noqday. Dagaalka Shalay (doraad) khasaaruhu dhaawac mooyee dhimasho ma jirin, laakiin dagaalka maanta xagga soke hal qof baa ku dhaawacmay, Ninna wuu ku dhintay, dhinaca kalena dhimasho iyo dhaawacba wuu jiraa sida aan warka ku hayno”.
Badhasaabku waxa uu baaq u diray beelahaasi walaalaha ah ee ay colaadu u dhaxayso, isagoo u soo jeediyay in ay dagaalka jojiyaan. “Waxaan baaq u dirayaa anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Sool iyo afka bulshadda gobolka Sool, in nabadgeliyo iyo wanaag aanu kula noolaano beelaha nala deriska ah ee degan xadka Soomaaliya. wixii gacan ah ee aanu ka geysan karno nabadaasina waanu ka gaysanaynaa. waxaan faraynaa labadda qolaba dadka ka dhinta labadda dhinacba waa dad muslimiin ah, ee waa in laga waantoobo dhib maahee dheefi ka iman mayso, inay dagaalka joojiyaan ayaanu faraynaa” ayuu yidhi badhaasbka Sool.
Wuxuu sheegay in ciidamadda qaranka Somaliland oo ku sugan Qoriile ay kala dhexgaleen beelahaasi, isagoo ku amaanay ciidamadda qaranka sida wanaagsan ee markastaba beelaha colaadu dhex marto nabadgeliyadooda u kala ilaaliyaan.
Waxaanu yidhi “Ciidamadda qaranka Somaliland oo ku sugan isla degmada ay labadda beelood ku dagaalameen ayaa kala dhexgalay hal guuto ayaa degan. Ciidanka qarankuna waxay ku amaanan yihiin ahd iyo jeer inay amniga ka shaqeyaan waxaanay ku dedaalayaan in nabadgelyadda la sugo oo aanu dagaal danbe dhicin. Caawana cidda qudha eek u kala dhex jirtaa maaha odayaal, ma aha cid ka socota Soomaaliya ama Puntland, waa ciidanka qaranka Somaliland ayaa ku kala dhex jira”.
Dagaalkani ayaa sida uu sheegay badhasaabka Sool, waxa uu ka dhashay dhul-daaqsimeedka iyo ceelal biyood oo ku yaala degaankaasi.
Magaaladda Qoriile, oo ka tirsan gobolka Sool, waxay kaga beegan tahay magaalada Laascaanood Koonfur Barri. waxaanay tuuladda Saaxdheer ka xigtaa dhinaca barri, taasi oo wax yar u jirta magaaladda Burtinle oo u dhaxaysa Garoowe iyo Bacaad weyn.
Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka hawlgelayso sidii loo joojin lahaa dagaalka u dhexeeya beelahan walaalaha ah. “Dawladda Somaliland waxay ku dedaashaa inay ilaaliso nabadgelyadda beelaha dalka u dhashay iyo kuwo dalalka inala deriska ah, arrintana qorshe ayay ka leedahay waana loo diyaarinayaa, cidii ka hawlgeli lahayd, in la helo, cid loo dirro, wasiirro, odayaal iyo cid kaleba” ayuu yidhi Yaasiin Shirre.
Dawannews Hargeysa office