Boorame (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo shalay lagu aasay degaanka Sheekh Yuusuf ee Galbeedka magaaladda Boorama.
Madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee halkaaski ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhdii iyo shakhsiyadii marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ay ku tilmaameen in uu ka mid ahaa doorkii kaalinta weyn ka soo qaatay nabadayntii beelaha iyo hawlihii dib-u-dhiska Somaliland.
Waxaanay dhamaantoodba masuuliyiintaasi marxuumka EEBE uga baryeen inuu naxariistii Janno ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka tacsiyadeeyay guud ahaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan eheladda, qoyska iyo qaraabadda geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale, oo ka mid ahaa Tiir ka mid ahaa Tiirarka uu qarankani ku faani jiray.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhex lahaa taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka.
Tacsidda madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ahaa tiir ka mida tiirarka uu qarankani ku faani jiray, maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 30/08/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday dalka iyo qaranba ku dhex lahaa taariikh iyo magac, kana mid ahaa odayaashii u horeeyey ee u guntaday sidii qaranka Somaliland dhidibada loogu taagi lahaa, isaga oo ka soo shaqeeyey shirarkii taariikhiga ahaa ee Somaliland ku muujisay gooni isu taageeda nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah u diray qoyska, qaraabadda, eheladda iyo shacbiga Somaliland guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, geerida ku timid Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo shalay ku geeriyooday magaaladda Boorama laguna aasay isla Boorama.
Tacsidda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxay u dhignayd sidan:- “Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland geerida ku timid Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 30/08/2015).
Marxuum Xaaji Daahir Cilmi Ducaale wuxuu ahaa oday taariikh wanaagsan ku lahaa dalka tan iyo waqtigii Ingiriiskii, waxaannu ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamankii u Horreeyey ee Somaliland sannadkii 1960-kii. Waxa kaloo uu kaalin wayn ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland markii xorriyadeeda ay dib ula soo noqtay, isagoo door wayn ka soo ciyaaray xulustii xildhibaanada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.
ILLAAHAY waxaan uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo Marxuum Xaaji Daahir Cilmi, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office