Hargaysa (Dawan): Qaar ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanan xeer hoosaadka golaha Mooshinkii ay shalay golaha Wakiiladu ku laaleen in cid gaar ah lagu wareejiyo Haamaha Kaydka Shiidaalka ee magaaladda Berbera.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari iyo C/qaadir Jaamac Xaamud, oo labadooduba ka mid ah mudaneyaasha aqalka Wakiiladda waxay sheegeen inuu khilaaf hor leh keenayo go’aankii ay golaha Wakiiladu ku meelmariyeen in aan shirkaddo gaar loo leeyahay lagu wareejin karrin haamaha kaydka shiidaalka Berbera.
Labadan xildhibaan oo shalay warbaahinta la hadlay kadib markii uu goluhu cod aqlabiyad ah ku laalay mooshinkaasi ayaa ku macneeyay qaabkii ay mudaneyaasha Wakiiladu kaga soo hor jeedsadeen arrintaasi mid ku cusub golaha, isla markaana ay noqonayso in si xoog ah mooshinadda loo jiidsiiyo golahaasi.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka hadlayay sida uu arrintaasi u arko, waxa uu yidhi “Mooshinkaasi sharci darro ayuu ahaa, mana waafaqsana sharciga. Sababta aanu u waafaqsanayni waxay tahay, golaha Wakiiladdu waxa uu leeyahay nidaam sharci, lamana marrin haddii uu ansaxayo iyo haddii kaleba.
Haddii la doonayo in la baalmarro sharciga golaha u yaalla, waa in la laallo nidaamka sharci ee golaha. Markaa waxay ahayd in la akhriyo mooshinka, oo la akhriyo lamana codayn karro sharcigii golaha oo yaalla waana khilaaf sharci oo baalmarsan xeer-hoosaadka golaha iyo dastuurka dalka u yaalla”.
Md. Bukhaari, ayaa intaasi ku daray in tallaabadani ay u muuqato in la jebiyay xeer hoosaadkii golaha, isla markaana ay abuurri karto khilaaf siyaasadeed oo hor leh. “Xeer-hoosaadkii golaha Wakiiladda ayaa la jebiyay, waana khilaaf cusub oo la doonayo in dalka la galiyo oo mushkilad la abuuro oo siyaasadeed oo aan xal loo helayn hadhawna keenta meel aan laga soo qaban Karin” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.
Sidoo kale xildhibaan C/qaadir Jaamac Xaamud, ayaa isna arrintaasi ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda golaha. Waxaanu yidhi “Xeer-hoosaad ayuu goluhu leeyahay, uu ku shaqeeyo maalinta mooshin la keenana waxay ahaan jirtay in loo gudbiyo sharci yaqaanka golaha, oo uu ka soo tallo bixiyo. Kadibna golaha lagu soo celiyo, oo goluhu ka dodo. kadibna sidaa lagu codeeyo horena umay dhicin in sidaa loo jiidhsiiyo golaha. laakiin tan dhacday may ahan, waana arrin golaha ku ugub ku ah, oo ka hor imanaysa sharcigii golaha u yaalay. mooshin kastoo la keenana waa in 24 sacadood la soo akhriyo oo laga soo baraan dago marka la soo akhriyo mooshinka ka bacdi loo codeeyo.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office
Home Wararka Dalka Xildhibaanno Sharci Darro Ku Tilmaamay Hindisihii Golaha Wakiiladdu Meel Mariyeen