Xiisad ka Taagan Khilaaf u Dhaxeeya Shirkadda Kawaanka Hargeysa iyo Ururka Nafaqo Oo Sabatay In La Xidho 50 Qof

0
580

Hargaysa (Dawan): Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa C/casiis Maxamuud Xaashi Cago-wayne iyo guddoomiyaha shirkadda kawaanka xoolaha ee magaalada Hareysa Jaamac Rooble,  ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay ururka hilibleyaasha nafaqo isla markaana shaqo joojin sameeyay labadii caano maal ee ugu dambeeyay.
 
Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa C/casiis Maxamuud Caga weyne iyo guddoomiyaha  shirkadda kawaanka xoolaha ee Maandeeq Jaamac Rooble oo shalay si gooni gooni ah ugu waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacada BBC-da, ayaa waxa wax laga waydiiyay lacago kawaanka xoolaha ee Maandeeq ku kordhiyay ururka hiliblayaasha ah ee Nafaqo iyo sababaha keentay  in hilibleyaashu cabasho ka muujiyeen kawaanka xoolaha ee Maandeeq maamusho.
 
“Hilibkii   waa la qalay oo magaaladii wuu yaallaa,  mana jirto hilib la’aani waa baro-bogaando dadkan leh hilib lama qalin haddii aan la qalina waa shakhsiyaad cabanaya hiliblayaashana waanu tix-galinaynaa waa dadkayagii waanu u damqanaynaa,  ma jeclin in dhibi gaadho. shirkadda Maandeeq-na waa shirkadii kawaanka  gacanta ku haysay hilibluhuna waa dadkii aanu masuulka ka ahayn waxaana aanu dawlada hoose u nahay in aanu u yeedhno oo aanu  waydiino waxa ay ka cabanayaan hiliblayaashu qolada kale ee laga cabanayana u yeedhno oo dhex-dhexaadin iyo wanaag ku dhammayno,”ayuu yidhi Maayar Ku xigeenka Hargeysa.
 
Guddoomiyaha shirkadda Kawaanka maamusha ee Maandeeq, waxa uu tilmaaamay  5000 oo shilin Somaliland ah ku kordhiyeen lacagtii ay ka qaadi jireen  ganacsatada hiliblayaasha ah waxaanu yidhi “Waxaanu ku kordhinay 5000 kun oo shilin annagu waxa aan daboolaynaa cuntada Hargeysa oo aanu dan ka leenahay qofka doonaya inuu umadda gaajaysiiyo ummad masuul uma noqon karo.
Annagu waxa aan heshiis la galnay dawlada hoose  oo aan uga wakiil nahay  nidaamka kawaanka. Kawaanku wuu burbursanaa markii hore dib u habayn balaadhan ayaanu ku samaynay, nadaafadiisana waanu hagaajinay . Dabadeedna wax badan ayaan ka bedalnay maal-gelin ayaan ku  samaynay waxa aanu soo gaadhsiinay inuu  la mid noqdo kawaanada caalamka.”
Dhinaca kale ururka hiliblayaasha ee nafaqo ayaa shalay cabasho la hortagay wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa taas oo ay kaga cabanayaan lacago dheeraada oo ay sheegeen in ay ku kordhisay shirkadda kawaanka xoolaha ee Maandeeq.
Luul Faarax oo ka mid ah ururka Nafaqo ee hiliblayaasha oo ka hadashay waxa ay ka cabanayaan waxa ay tidhi “Waxaanu  halkan iskugu nimid oo aanu ka cabanaynaa nin shirkad gaar ah leh oo xuurto nagu haysta oo ciidan noo adeegsaday, waana shirkadda Maandeeq ee  kawaanka xoolaha  dawladda waxa aan ka codsanaynaa in aanaan qaadi Karin shirkadda Maandeeq haddii aanu nahay hiliblayaasha ururka Nafaqo waxaana naga xidhan  50 qof oo maamulkii ururka nafaqo ku jiro.”
By: Khadar  M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply