Masar Oo Marti-qaad U Fidisay Wasiirka Caafimaadka Iyo Dhakhaatiir Adeegyo Ka Fulinaya Hargeysa

0
382

Hargeysa (Dawan)- Dawladda Masar ayaa marti-qaad rasmi ah u fidisay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) waxaanu Booqaan doonaa dalkaas bisha fooda innagu soo haysa ee October 2015.
Sidaasna waxa laga sheegay kulan shalay Wasiirka Caafimaadku xafiiskiisa kula yeeshay ku xigeenka danjiraha masar u fadhiya Jabuuti Maxamed Al-amiid, oo socdaal ku yimid Somaliland.
 
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),  ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay  Ku xigeenka  safiirka dalka Masar u fadhiya wadanka Jabuuti Maxamed Al Amiid oo socdaal ku yimi dalka.
Wasiir Xaglo-toosiye oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxa uu sheegay in socdaalka Ku xigeenka  safiirka dalka Masar u fadhiya wadanka Jabuuti uu la xidhiidho dhakhaatiir Masar ka socda oo dalka iman doona, kuwaasi oo qalliimo caafimaad ka fulin doona magaaladda Hargeysa, waxaanu wasiirku uga mahadnaqay  dawladda Masar dedaalka ay ugu jiraan sidii ay wax ugala qaban lahaayeen caafimaadka.
“Waxaan uga mahad celinayaa dalka Masar dedaalka ay ugu jiraan inay wax nagala qabtaan xaga caafimaadka waxaana aan qabaa in dadka Somaliland ka faa’iidaysan  doonaan dhakhaatiirtan ka socda dalka Masar, waana  aanu diyaarinay meeshii dadka lagu dawayn lahaa, isla markaana waanu sii  diiwaan-gelinay dadkii ka faa’iidaysan lahaa, dhakhaatiirtan waa markii labaad ee dalka ay yimaadaan, dhakhaatiir ka socda dalka Masar waxa aan rajaynaynaa inay joogteeyaan dawaynta ay wadaan,”ayuu yidhi Wasiir Xaglatoosiye.
 
Safiir Ku-xigeenka  dalka Masar u fadhiya dalka Jabuuti Maxamed Al-amiin oo ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku yimi Somaliland ayaa waxa uu sheegay in koox dhakhaatiira oo ka socda dalka Masar oo tiradoodu tahay 15 dhakhtar ay iman doonaan magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in gargaar caafimaad oo dawlada Masar ay ugu deeqday  Somaliland ay ka fulin doonaan qaliimo, waxaana uu tilmaamay in ay tahay tii labaad.
Danjiruhu   waxa uu xusay in talaabadani horseedayso in xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan leh uu dhex maro dalalka Somaliland iyo Masar. Waxa kale oo uu xusay  in martiqaad uu uga sido dalkiisa wasiirka caafimaadka Somaliland, martiqaadkaas oo  la filayo in wasiirku bisha fooda innagu soo haysa ugu baxo wadanka Masar. Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalmiga Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda  Axmed Ismaaciil Aadan,  ayaa kulan wada jir ah waxay la yeesheen   Safiir ku xigeenka Safaaradda Dalka Masar   ku leeyahay dalka Djabouti Mr Maxamed Al Amiid oo booqasho shaqo ku jooga dalka.
Kulankan ayay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka walaalnimo ee faca weyn ee ay wadaagaan Somaliland iyo Masar iyo sii xoojintiisa waxaanay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Safiir ku-xigeenka iyo Xukuumadda Masarba uga mahad naqay kaalinta  uu ka qaato adeegyada Caafimaadka  iyo waxbarashada. Waxaa kale oo laga wada hadlay Wefti Somaliland ah oo dalka Masar booqasho ku tegi doona oo ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo shaqaale ka tirsam Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo tababaro diblamaasiyadeed ku soo qaadan doona xidhiidhka caalamiga ah iyo arrimaha diblamaasiyadda.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply