Somaliland Oo Ka Qayb-gashay Shirweyne Maalgashiga La Xidhiidha Oo Lagu Qabtay Australia

0
314

Sydney (Dawan): Somaliland ayaa   dalka Australia kaga   qayb gashay Shirweyne heer Caalami ah  oo lagaga hadlayo  Maalgashiga Qaaradda Afrika. kaasi oo shalay ka furmay magaaladda  Perth City ee ku taal galbeedka dalweynaha Australia. 
 
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu  soo bandhigay dalalka ku habboon in la maal gashado ee khayrdaadka iyo Macdanta ku jirtaa ay tahay mid  la maalgelin karo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiska Somaliland ku leedahay dalkaasi.
Somaliland  waxaa shirkan u metelayay    Maxamed  Ismaaciil Xuseen  oo ah safiirka u fadhiya   dalka Australia oo casuumad rasmi ah ka helay Mr Bill Repardoo ah madaxa hay’adda Pay Dirt Media Australia PL, oo ah hay’adda qabanqaabisay shirweynahan caalamiga ah. Waxaanu   ka war bixiyay khayraadka dihin ee ku  duugan Somaliland iyo sida ay ka dawlad ahaan u soo dhawaynayaan shirkado caalami ah  oo maalgashi ku sameeya dalka.
Waxa  kale oo uu   kulamo kala duwan la yeeshay shirkado iyo madaxda dalalka shirka ka soo qayb galay  kuwaasoo uu warbixin dhammaystiran ka siiyay Somaliland horumarka ka jira iyo sida ay u tahay dal la maal gashan karo oo ka soo dhex baxay qaaradda Afrika oo dimuquraadi ah.
Waxaana shirkaasi  furay madaxa guud ee dawlad goboleedka Western Australia Mr.  Collin Barnett. Iyadoo ay ka soo qayb galeen madax gaadhaysa   shan iyo labaatan  wasiirr oo African ah, in ka badan 2500 oo ergooyin ah.  Waxa kale oo  iyagna goobta ku sugnaa 165 shirkadood oo ah kuwa macdanta ka baadha aduunka, gaar ahaan qaarada Africa.
Waxa kale oo goobta ku sugnaa28Wasiir oo ka soo jeeda qaaradaAfricaoo uu ugu horeeyo wasiirka macdanta iyo khayraadka ee dalka Gaana.The Hon. Nii Osah Mills…The Hon. Minister for Mineral Resources. Republic ofGhana.
 
Waxa kale oo xusid mudan oo isaguna goobta ku sugnaa, oo aanu wada hadal dheer yeelanay, xoghayaha guud ee suuqa dhaqaaalaha iyo maalgaashiga Koonfurta iyo bariga Africa. Mudane Sindiso Ngwenya,The Secretary General of the Common Market for Eastern and Southern Africa,oo ii xaqiijiyey in uu dhawaan isaga iyo wefti uu hogaaminayaa ay  booqasho ku iman doonan Jamhuuriyada Somaliland.
Dhinaca   kale waxaa shirkaasi   ku sugnaa safiirada dawladaAustraliau fadhiya qaaradaAfricagaar ahaan wadamada kala ah sidaKenya, Ethiopia, Nigeria, Ghana and Nigeria, wakiiladaas oo ay kulamo wada qaateenAmbassador Balishireoo warbixin dhankasta taabanaysa oo ku saabsanSomalilanday wada yeesheen safiiradaas. Iyadoo ay sidoo kale joogeen safiiradda dalka Australia ee wadamadda qaaradda Afrika.
Madaxdii dalalka ka qayb galay shirka iyo shirkadaha caalamiga ah ee  maal gashedayaasha ahba waxaa soo jiitay qudbaddii uu ka jeediyay  shirka Safiirka Somaliland u fadhiya Australia oo  kulanka ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay dal khayraadkiisa la hubo  oo uu dihin yahay isla markaana ka duwan Soomaaliya-da ay dadku ku maqlaan dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira waxaanu ku marti qaaday Madaxda Shirkadaha caalamiga ah ee maalgadhiga qaaradda Afrika u diyaarka ahi in ay Somaliland booqasho ku yimaadaan oo ay soo arkaan,taasoo ay ka aqbaleen isla markaana ay ballan qaadeen in ay dalka iman doonaan.
By: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply