Golaha Wakiilada Oo Guddo Galay Dooda Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeer Hoosaadkooda

0
377

Hargeysa (Daawan): Golaha Wakiiladda ayaa guddo galay dood ka yeesheen kaabis iyo wax-ka-bedel ay guddida joogtada ahi ku soo sameeyeen xeer hoosaadka golaha Waliiladda.
Fadhigii shalay ee golaha wakiilada  oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa   xildhibaanadu   badi waxay  ka midaysnaayeen in la ansixiyo xeer hoosaadkaasi, halka qaarna ay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo.
Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ahaa mudaneyaashii arragtidoodda  ka dhiibtay xeer hoosaadkan ayaa  isagu soo jeediyay in loo baahan yahay in laallo xeerkaasi.  Waxaanu  yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in xeer hoosaadkan la laalo meeshan laga saaro, maadaama oo uu khilaafsan yahay dastuurka dalkeena u yaala.”
Sidoo kale xildhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog) oo xeer hoosaadkan dooddiisa ka dhiibanaya waxa uu yidhi  “Waxaan leeyahay hadaynu nahay golaha wakiilada waxa inoo yaala xeer hoosad aad u hufan. Xeer hoosaadkan hadda laga doodayo oo guddida joogtadu soo waafajisay heshiiskii golaha guurtidu ku dhex-dhexaadisay khilaafkii golaha wakiilada waxaan u arkaa mid sax ah oo si fiican u waafaqsan dastuurka Somaliland. Waxaan soo jeedinayaa in sidiisaa lagu ansixiyo, maadama oo baahi aad u badan golaha wakiiladu u qabaan.”
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) ayaa isna  ku dooday in uu tageersan yahay xeer hoosaadkii hore ee golaha wakiilada, isagoo arrintaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Anigu waxaan raacsanahay in la daayo xeer hoosaadkii golaha wakiilada ee hore u jiray, lana ansixiyay sannadkii 2005-tii oo lagu daray qodobadii heshiiska golaha guurtidu inagu dhex-dhexaadisay.” Intaasi kadib Gudoomiyaha  golaha wakiilada ayaa waxa uu xildhibaanda ku wargeliyay in doodda halkaas laga sii wadi doono maalinta sabtida ah ee soo socota.
Si kastaba ha ahaatee Xeerkan dooddiisu ka bilaabmatay golaha wakiilada ayaa waxa uu si cad u sheegayaa in saacadaha shaqada ee golaha wakiiladu noqoto sideed saacadood iyo badh, taas oo ka bilaabmayaa sagaalka subaxnimo maalinkasta Xeer hoosaadkan oo golaha wakiiladu ansixiyeen horaantii sannadkan ayaa waxa kaabis iyo wax-ka-bedal ku soo sameeyay guddida joogtada ee golaha wakiilada iyagoo ku soo daray qodobo ay guurtidu ku soo af jareen khilaafkii ka dhasahay xeerkan ee soo kala dhex galay shirgudoonka golaha wakiilada.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews hargeysa office

Leave a Reply