Qabaa’ilka Mayan Oo Laga Dayriyey Xaaladooda Nololeed

0
417

Khubaro u dhalatay dalkaasi Maraykanka oo ka socotay jaamacadda University of Texas ayaa sheegay in is bedelka dhanka cimiladu uu waxyeelo u geystay nolosha qabiilka loo yaqaano Mayan oo ku nool kaymaha qaaradda Amerika,kuwaas oo nolol ahaan ka gedisan ta dadka caadiga ahi ku nool yihiin.
Khubaradan oo daraasad arrimahaasi ku saabsan dhowaanahan ka waday kaymaha wadamadaasi laatiin Amerika ayaa sheegay in qabiilkaasi ay samaysay cimilada is bedelaysaa,iyada oo sidoo kalena ay jiraan dad dhirta ay ku hoos nool yihiin jara,taas oo laga sameeyo looxaan iyo waraaqo intaba.
Khubaradan ayaa sheegay inay qabiilkani u isticmaalaan biyaha meelaha kaymaha ah ku yaala sida biyo xidheenka oo kale ,sidoo kalena ay halkaasi dhir badan oo ka baxda aadna waqtigan loo jaro ay u isticmaalaan waxyaalo ay beeraha ku nafaqaystaan.
Qabiilkan ayay khubaradani sheegeen inay isticmaalaan habab casri ah oo ay u beertaan beeraha ,taas oo dadka aan dhulkaas ku noolayni wax badan ka baran karaan,waxaanay khubaradani sheegeen in degaankaasi sidoo kale lagu soo daadiyey waxyaalo sun ah oo keenay inuu dhulkii abaaroobo.

Leave a Reply