Hargeysa(Dawan): Maxkamada sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday wakhtigan inay diyaar u tahay ka gar-naqidda fikiradaha, heesaha, buugta iyo magacyada la kala xado.
Gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa dhawaan mar uu warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa u xaqiijiyay in ka gar-naqi doonaan waxyaabahan marka la kala xado, waxaanu sheegay inay danaynayaan in maxkamadaha dalku ay qaadaan kiisas noocan ah si loogu ilaaliyo dadka hantida fikirka.
Waxa guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali sida oo kale sheegay inay qabteen dacwadii ugu horaysay oo ay u soo gudbisay jaamacada Hargeysa oo ka cabanaysa jaamacad magaceeda la baxday oo Hargeysa laga furayo.
Tallaabadan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee garsoorka dalku uu u muujiyo danaynayaan ilaalinta fikirka maskaxeedka dadka iyo magacyada meheradaha, waxaana inta badan la arkaa dad isku haysta buug la kala xaday oo la cid u garnaqda.
Dawannews Hargeysa office