“Marka Shaqaalaha Dawladda La Tayeeyo Waxa Hagaagaya Adeega Loo Hayo Ummadda..” C/raxmaan Saylici
By: Khadar M. Xaashi
Hargaysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay toban guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee Somaliland (Civil Service Institute), oo shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, agaasimaha machadka shaqaalaha dawladda ee dalka Itoobiya, xildhibaano, siyaasiyiin, Maamulka iyo Madaxda Hay’ada shaqaalaha dawlada iyo ardayda ka mid ah kuwa wax ka barta machadkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda oo la tayeeyo ay wanaajinayso adeega xafiisyadda dawladda. Isagoo tilmaamay in ay sharaf weyn u tahay in uu ka soo qayb gallo xuska toban guuradda ka soo wareegtay aasaaska machadka tababarka shaqaalaha dawladda.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayay inoo tahay in aynu ka soo wada qayb galno, toban sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Machadkan qiimaha weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland ee Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda. marka shaqaalaha la tayeeyo waxa hagaagaya adeegi ummadda reer Somaliland loo hayay. Sannadkii 2005-tii haddii ay tahay odayaasha maalintaa diyaariyay qorsheyaasha ee qoray iyo haddii ay tahay madaxi Hay’ada markaa joogay ee Cabdiraxmaanm, run ahaantii waan hanbalyaynayaa.”
Dhinaca kale C/raxmaan Saylici, ayaa tilmaamay in mudooyinkan dambe wadamo badan oo ka tirsan qaaradda Afrika in ay ka koreen dagaaladdii iyo qorigii ay mudadda dheer isku haysteen, isla markaana ay maanta marayaan in ay horumarka iyo cilmiga is-gaadhsiiyaan. sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu amaan u jeediyay hay’adda UNDP oo muddo dheer gacanta ku soo haysay machadka shaqaalaha dawladda. “Waxa kale oo aan hanbalyaynayaa Hay’ada UNDP oo mudadaa gacanta ku soo haysay machadka. Maanta waa ILLAAHAY mahadii in Afrika ay ka korayso dagaal iyo dhibaatooyinkii ay ku jirtay, ama qorigii ay isku haysan jirtay. Maantana aqoontii iyo caqligii ay is-dhaafsanayso, oo ay ku socoto in ay is-gaadhsiiso horumarka” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.
Sidoo kale waxa isna halkaasi hadal ka jeediyay Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawladda (CSI) Md. Guulleed Saleebaan Axmed, waxaanu sheegay in waxbarashada uu machadkani bixiyaa ay tahay sidii loo kobcin lahaa tayada waxbarasho ee shaqaalaha dawlada, koorsooyinka ay bixiyaana ay tahay qaar ay markii hore ay bixin jirtay jaamacada Hargaysa.
Guulleed Saleebaan Axmed, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Machadkani waxa uu leeyahay barnaamijyo wada shaqayneed oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa shaqaalaha dawladda. Barnaamijyadda waxbarasho ee Machadka dawladda waxaa lagu bilaabay koorsooyin gaagaaban oo isugu jira agaasinka iyo maamulka. Kuwaas oo markii ugu horaysay jaamacadda Hargeysa laga bixin jiray, looguna talogalay in shaqaalaha si deg-dega ah loogu dhiso tayada shaqadda, imikana waad og-tihiin oo 24-ka saac waraaqo ayaa na loo soo qoraa, lagu doonayo in aanu shaqaalaha ku tababarno, annagoo aanay barnaamijyadu diyaar ahayn.Waxaana ILLAAHAY mahadii ah in aanu is-bedelka intaa le’eg muddo toban sanno ah ku gaadhno.”
Agaasimaha CSI, waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay tiradda ardayda kala duwan ee machadkaasi ka faa’iidaystay mudaddii uu jiray, iyo tiradda kuwa imika wax ka barta.
“Shaqaalaha ka faa’iideystay barnaamijyada Dibloomooyinka Machadka waxa ay tiradoodu dhan tahay 590, shaqaalaha dawlada ah, halka ay dhan yihiin 240 imikana ay ku jiraan Machadka 620 arday oo shaqaale dawladeeda, barnaamijyada Digreega ah iyo kuwa gaagaaban ba dhigtay.” Guulleed Saleebaan Axmed.
Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Mudane Maxamad Mixile Boqore, oo isna madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay in machadka shaqaalaha dawladdu uu buuxiyay baahi weyn oo loo qabay in lagu tayayeeyo hawl-wadeenadda dawladda, waxaanu tilmaamay in machadku marayo meel wanaagsan oo u baahan in la taageero.