Burkina Faso: Cadaadiska Janaraalka Inqilaabka Sameeyay

0
524

Hogaamiyaha ilaalada madaxtooyada ee riday dowladda Burkina Faso ayaaย  dhaafeyย  oo uu dhamaadey waqtigii loo qabtey inuu xilka ka dego, waxaanu ย sheegay in ciidamadiisu ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan hadii la soo weeraro.
Madaxa ciidanka ayaa u qabtay Gen Gilbert Diendere ilaa 12:00PM, inuu is dhiibo hadii kale uu wajaho weerar.
Ciidanka ayaa amray dadka ka soo horjeeda dowladda in la rido inay guryahooda aadaan, iyadoo laga baqayo dagaal.
Gen Diendere ayaa xukunka la wareegay toddobaadkii hore iyadoo ay taageerayaan ciidamada ilaalada madaxtooyada, laakiin ciidanka ayaa daacad u ah dowladda xukunka laga qaaday.
Ciidamada ayaa soo galay magaalo madaxda, iyagoo balanqaaday inay la wareegayaan. Midowga Yurub ayaa u baaqay ilaalada madaxtooyada inay hubka dhigaan, si looga hortago dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here