Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo La Cayimay Iyo Muuse Biixi Oo Sharaxay Waxay Dheer Yihiin Axsaabta Kale

0
551

Hargeysa(Dawan)-Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday in xisbigu isla gartay in shirkiisii Golaha dhexe la qabto 10 November 2015-ka.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay si wada jir ah madaxtooyadda ugu qabteen  isaga Iyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ka dib markii ay madaxweynaha kulan la yeesheen Hoggaanka xisbiga iyo xubno ka tirsan Guddida Fulintu.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu shirkaasi jaraa’id kaga hadlay mawaadiic faro badan oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed  ee dalka iyo xisbigaba, waxaanu shirkaasi jaraa’id ka akhriyay qoraal u dhignaa sidan:- “Ugu horeyn waxa aanu u mahad naqanayna dhammaan warbaahinta maanta halkan noogu timid. 

Waxa aanu aqoon sanahay in warbaahintu xil culus u hayaan qaranka.

Jawaabta Soomaaliya

Inteenii maqashay maalmahan madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka yidhi Muqdisho —Shirkan fadaraalka ah mabda’iyan Somaliland way ku jirtaa, waxaan eegaynaa farsamooyinkii ay uga qayb gali lahaayeen–.  Ninbaa laga hayaa arrin uu ka yaabay: “ninka yidhi wax baan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi baddii garcad yaan gudub u waydaarin  godka lagu cadaabyoow, muxuu go’uhu been sheegay.  Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada        Somaliland, waa gar-darro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somalia.    Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale, dantu waxay ku jirta xasanoow  in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama. 

 

Arrinta Golaha Wakiilada

Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, haDdana Soomaalidu waxay tidhaahdaa, (Haddii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) haddii uu ku gafay ku xigeenkiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu weyna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.  Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.

   Waxaa dareenkeeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Waddani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga waddani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga Waddani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho.    Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoonkooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga Waddani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.

 

Arrinta Haamaha Shidaalka

Arrintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda.   Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arrintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya ha sugaan marka heshiiskaasi ka soo dhammaado xaga xukuumada, cidii tallo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumadda, waxaynu nahay dad tallo wadaag leh oo is dhegaysanaya. Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa tallo soo jeedin  maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed.

 

Shirka Xisbiga Kulmiye

Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arrimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.  Xisbi ahaan taa waanu ku faraxsanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhammanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga.  Taasi waxay muujinaysaa  ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.

 Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sanno ee ay xilka haysay.  Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan  mustaqbal dhow iyo ka fogba. wuxuu si hagar la’aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:

ü  in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga Somaliand ee ah,

ü  in Somalialand hesho aqoonsi buuxa  kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arrinsadaan UN, AU. IWM. 

ü   In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

ü    In Somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.

  Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arrimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku habboon ee shirku qabsoomayo.   Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.   Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arrimuhu markay adkaadaan tallo iyo tilmaamba ugu noqdo,  Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madaxweynaha dalka  tilmaamtiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.  

 Haddaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu habboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa darteed dhammaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.”

Dhinaca kalena waraysi uu Guddoomiyaha KULMIYE siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da waxa uu ku sheegay in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo  yahay murrashaxa xisbigaasi ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 28-ka March 2017.

“Murrashaxaas aad sheegayso iyo arrimahaas waxa buun-buuniya dadka suuqa. Xisbigu sharci ayuu leeyahay doorashadda xisbiga marka lagu dhawaaqayo xisbigu xeer ayuu ka leeyahay. Marka wax lagu dhawaaqayaa waa marka Golaha Dhexe fadhiisto. Inta ka horaysa qof odhanaya murrashax baan ahay, ama murrashax baan noqon doonaa midna sharci uma laha. Ta kale hadda Madaxweynihii baa jooga, Madaxweynaha ayaa xisbiga Murrashax u ah sida caadiga ah dawlad kasta marka labaad. Madaxweynuhu haddii uu markaasi yidhaahdo ma sharraxni markaas ayaa la sheegi doonaa cida sharaxan. Sharciyan markaas uun buu qofku odhan karaa murrashax baan ahay. Wakhtigii sharcigu ogolaa inaan murrashaxnimo qabto, wali lama gaadhin markaa war suuq uun dheh arrimahaas,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply