Hargeysa (Dawan): Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha Wakiiladda oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ayaa kulan la qaatay laamaha kala duwan ee hay’addaha dawladda ee gobolka Sool.Waxaanay amaan u soo jeediyeen isu-duweyaasha wasaaradaha ka hawl gala gobolkaas. Sidoo kale guddidu waxay bogaadiyeen maayarka magaaladda Laascaanood iyo golaha degaanka magaaladaasi oo ay sheegeen in ay horumar badan ka hirgaliyeen magaaladda.
Guddida oo kulamo gaani-gooni ah la qaadatay madaxda gobolka ayaa kadib waxa warbahinta si wada jir u la hadlay guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Maxamed Cali Xirsi iyo badhasaabka gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shidde.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo sharaxaad ka bixinaayay ujeedada safarkoodda waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay guddidan maalmihii u dambeeyayba waxaanu safari ku maraynay qaar ka mida gobolada dalka. Socdaaladan waxaanu uga dan leenahay sidii aanu u hubin lahayn xilgudashada maxada gobolada. Waxaanu aad u bogaadinaynaa dhammaan isu duweyaasha laamaha dawlada ee gobolka Sool oo warbixinahoodii noogu soo gudbiyay hab qoral ah.” Waxaanu intaasi ku daray “Golaha degaanka ee magaalada Laascaanood waa gole isku duuban oo ku talaabsaday waxqabad aad u weyn. Waxaanu aad u amaanaynaa maayarka Laascaanood oo intii aanu joognay gobolka aanu fahanay inuu hawlo fiican oo horumarineed ka qabtay magaalada Laascaanood” ayuu yidhi guddoomiyaha Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka.
Badhasaabka gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shidde, ayaa isna ka hadlay kulankii ay yeesheen. waxaanu yidhi “Mudaneyaal gobolka Sool waa kaa aad arkaysaan oo waa gobol ay ka jirto nabadgalyo aad u fiicani. Si fiican baanu idiinku soo dhawaynaynaa gobolka Sool, waxaanu aad ugu farax sanahay in ay wax ka ogaadaan xaalada uu maanta ku sugan yahay gobolka Sool.” Xubnaha ka tirsan guddi hoosaadka daryeelka iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada ee safarka shaqo ku jooga Laascaanood, waxaa gudoomiyaha ku wehelinaya xildhibaanadda kala ah Naasir Cali Shire, Maxamed Faarax Qabile, Ibraahin Axmed Haybe, iyo Xuseen Ismaaciil.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office