Khubaro saynisyahano ah oo u dhashay wadanka Ingiriiska kana tirsan maxadka baadhista dawooyinka oo hoos yimaada Royal College ayaa ku dhawaaqay inay ku hawlan yihiin sidii ay mustaqbalka usoo saari lahaayeen Proteins lagaga hortegi karo waxyaalaha keena caajiska.
daraasad cusub oo ay dhowaan soo bandhigeen ayay khubarada maxadkaasi sheegeen inay hadda wadaan sidii ay laabka u geyn lahaayeen Proteinkaasi cusub ,kaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona ka hortaga iyo daweynta caajiska.
protein-kan ayay u bixiyeen TRPV1,kaas oo ay qoondaynayaan inay inuu kantaroolo dheecaanka ay neerfuhu soo daayaan ee loo yaqaano Odreynalana ,taas oo samayn badan ku yeelatay heer kulka jidhka,waxaanay sheegeen inuu kani sidoo kale noqon doono mid lagula dagaalamo waxyaalaha walaaca iyo wel welka keena .
khubaradan ayaa tijaabadii ugu horeysay sheegay inay ku sameeyeen jiir,kaas oo ay siiyeen protein-kaas lagu magcaabo TRPV1,waxaanay intaas raaciyeen inay jiirkaasi u qaybiyeen laba qaybood ,kuwaas oo aanay qayb siin dawadaasi ay ku jirto Protein-taasi.
khubaradan ayaa sheegay in Proteinkaas oo ay ku dareen dawo uu sidoo kale kantarooli karo heer kulka jidhka,kaas oo dejinaaya siday sheegeen maadada loo yaqaano Adrenaline.
khubaradan ayaa sheegay inay dhowaan suuqa soo gelin doonaan markay tijaabooyin kala duwan mariyaan,tijaabooyinkaas oo ay waqtigan wadaan hordhocoodii.
Home Barnaamijyada Khubarro Ingiriisa Oo Doonaya Inay Soo Saaraan Protein Lagaga Hor-tago Waxyaalaha Caajiska...