Dhismaha Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Sool Oo La Dhagax-dhigay

0
417

Laascaanood(Dawan): Masuuliyiinta gobolka Sool iyo kuwa degmadda   Laascaanood ayaa shalay si wada jir ah u dhagax-dhigay  dhismaha xarunta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool, iyadoo ay noqonayso   dhismihii   u horeeyay  oo wasaaradda caafimaadka Somaliland ku yeelato Laascaanood.
 
Dhagax dhigga dhismaha xarunta wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool,  waxaa ka qayb galay Masuuliyiinta Gobolka Sool iyo kuwa Degmada Laascaanood,madaxda Wasaaradda ee heer gobol iyo masuuliyiin ka socday sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.
 
 
 
 
Maayarka Magalaadda Laascaanood  Cismaan Saleebaan Jaamac,  oo ugu horrayn ka hadlay madashii dhagax dhigga xarunta wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool, waxaanu ka waramay muhiimadda ay leedahay  bulshadda ku dhaqan guud ahaanba gobolka Sool iyo kuwa kale ee u dhaw.
 
Maayarku waxa uu si weyn ugu mahad naqay nin muwaadin ah oo magaciisa la yidhaahdo Oomaar, ninkaasi oo   ugu deeqay dhulka laga dhisayo xarunta ay wasaaradda caafimaadku ku yeelanayso Laascaanood.
 
 
 
Duqa Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu dhagax dhigaynaa Xaruntii Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sool. Waxaanan  ka dinac dhisaynaa halkii ay ka dhisnaayeen sideedii wasaaradood ee aynu hore u dhisnay isla markaana saddex kale dhulkoodii  loo hayo. Dhulkaana waxaa bixiyay  muwaadinka la yidhaahdo Oomar,  waanan uga mahad celinaynaa dhulkaa uu ugu deeqay in wasaaradaha loo dhiso.”
 
 
Sidoo kale   masuul ka socday  Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo maalgelinaya   dhismaha xaruntaasi oo isna halkaasi ka hadlay    ayaa ka mahad celiyay dhulka muwaadinku ku wareejiyay ee laga  dhisayo xarunta wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Sool.
 
Waxaanu  ballan qaaday  in ay si  dhakhso ah u bilaabayaan  dhismaha, una  dhamaystiri doonaan isla markaana ay noqon doonto Xarun deg deg u hawl gasha.
 
 
Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Sool, oo   isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa  balan qaaday in ay bilaabayaan  dhismeyaasha    saddexda wasaaradood ee  ay hadda   dhulkii laga dhisi lahaa  u hayaan, dhulkaasi oo uu  ku deeqay  muwaadin Oomaar.
 
 
Ninkan muwaadinka ah ee magaciisa la yidhaahdo Oomaar  ayaa 7 xarun wasaaradood hore ugu deeqay dhulkii loo dhisi lahaa,  kuwaasoo saddex ka mid ahaa hore loo dhisay.  halka wasaaradda Caafimaadkana xarunteeda shalay la dhagax dhigay, iyadoo saddexda kalena dhawaan la bilaabo doono dhismahooda.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply