Tuugii Ugu Nacasaysanaa Caalamka Oo Maxkamadi Laba Sanno Ku Xukuntay

0
411

Maxkamad ku taalada dalkaasi Ingiriiska ayaa tuugii ugu nacasaysnaa ku xukuntay laba sanno oo xadhig ah,kadib markii lagu helay dembi xatooyo ah.
Ninkan oo lagu magcaabo Paul Severson ayaa da’ahaan noqonaaya 61 sanno jir,waxaanay warbaahinta dalkaasi ku tilmaantay inuu ahaa tuugii ugu nacasaysnaa caalamka .
Wargeysyada wadankaasi kasoo baxa ayaa wararkay ninkaasi ka qoreen ciwaan uga dhigay Tuugii ugu da’da weynaa uguna doqonsanaa ,waxaana la qabtay kadib markii uu qori la galay Baan uu ka shaqayn jiray,kadibna uu shaqaalihii ka dalbaday inay siiyan furaha Akoonka guud ee Baankaasi,kadibna mid kamida shaqaalaha ayaa dib u siiyey akoonkiisii furihiisa,isaga oo la baxay lacagtii ugu jirtay akoonkaas oo uu isagu hore isaga lahaa.
Ninkan ayaan ku guulaysan isku daygan lagu marin habaabiyey ,isaga oo isku dayey inuu baan kale oo u dhowaa baankas tago,laakiin intii aanu taas samayn waxa markiiba qalabka qayla dhaanta taabtay mid kamida shaqaalaha ,taas oo keentay inay ciidamadu soo gaadhaan goobta ,gacantana ku dhigaan tuugaasi,siday qortay jariirada Skynews.
Ninkan ayaa markii maxkamada la keenay qirtay dambigaasi,waxaanu sheegay inuu doonaayey oo keliyaata inuu ka qaato shan gini,taas oo uu magaalo kale ku tagi lahaa,kana soo qabsan lahaa shaqo,.
 
 
 
 
 

Leave a Reply