Maqaal maanso ah oo tilmaamaya sida ama hab dhaqanka ganacsiga ee magaceedu yahay Baabullaahi Soofe Company, taasi oo ah shirkad ka jirta sharci ahaan iyo ganacsi ahaanba wadamadda Itoobiya, waddanka Jamhuuriyada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Haddaba daraasad iyo qiimayn uu ku sameeyay ninka la yidhaahdo Cabdiwahaab Ibraahin Cilmi, shirkaddan (Baabullaahi Soofe Company) oo uu asaasay ninka magaciisa la yidhaahdo Aadan Soofe oo ka asaasay gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco.
Qoraagu maanso ayuu ku qeexay hal abuurka hab dhiska hawlaha shaqo, horumarka iyo himilada shirkadda. Waxaana astaan u ah geed Damal ah iyo maabka adduunka iyo dad badan oo hoos yaala magaceeduna yahay companiga Soofe waa “Damal dunida aynu joogniyo dadkoo dhami hadhsanayaan”.
- Dilaal iyo mallaal iyo dulmi iyo khiyaamiyo nacil, uu dad leeyahay midna laguma darinoo xalaal duhur la quutiyo daacad lagu abuuriyo shirkad weeye Daahir Deeq Ilaahay keeniyo dadkoo dhami hadhsanayaa
- Nin door aad u sharaf badan oo Somalilander ah duco waalid lagu hubo Aadan Soofaa dadaaloo dalsan lagu badhaadhiyo shirkaddan dalkiisiyo dadkiisaba u keenoo Ilaahay hadaayee daadeheeye gacaloo diintiisa dhawroo, dawladnimada sharafta leh qaranimo daneeiyo, Ilaahay ha daa’iyee dejiye weeye guul sida
- Dadka kiisa liitiyo masaakiinta ducufada daryeel ciduu u fidiyiyo dad uu siiyey camal iyo duul warkiisa uun helay dantuba dhamaanteed ducey raaciyoonoo intuu dunida joogana dib u laaban maaciyoo talo iyo duunyaba dadka wuu horkacayaa daayinkeen ku sharafyoo ninkii doonayoow dhereg duufaan ku qaadyoo ninkii diidanoow dhimo deeq Ilaahay keenoo dalku uu u siman yahay Kembany soofe waa Damal dadkoo dadkoo dhami hadhsanayaa xaasidiinta ducufka ah ee diidan horumarkiisana haddii duulimaad iyo dagaal ay la maagaan ganacsigiisa doorka ah dalka uu ka soo raro dariiqyada uu soo maro dusha kuwa ku qaadiyo meel kastuu ku soo dego dukaamadiisa lagu gado
- Ciidan uu Ilaah diray dabley samada joogtiyo awliyo dul socotoo difaacay sabaajira dawlad iyo dadweynaba aad baa loo daneey dushaaa laga ilaashaa diina waa nin qaaliya oo qayrkii ma dagi karo deeq Ilaahay keenoo shirkaddan soofe waa Damal dunida aynu joogniyo dadkoo dhami hadhsanayaa
- Duufaan wax laayiiyo bacadka iyo dabayshiyo dugsi dhexanta laga galo ilays aan damayn iyo nuur dunida yimi iyo dayax soo baxay iyo Diiriyihii lamahaashiyo dunta reer Togdheeroo Soomaalilandara Deeq Ilaahay keenoo dalkeenuba u siman yahay Kembany Soofe waa Damal dadkoo dhami hadhsanayaa
Ganacsiga dalkeeniyo
Dadka maalka haystaa
Dabeecay yaqaaniin
Danaha shirkadda rer hebel kuma daraan qabiil oo
Maamulada daneeyee
Daaditaya hawlaha
Shaqaalaha adeegyada
Cidda shaqada loo diro
Waxa ay ku doortaan
Daacad iyo aqoon iyo
Karti dadaal dhab ah
Deeq Ilaahay keenoo
Dalku uu u siman yahay
Dayax soo baxay iyo
Diiriyihii Togdheer iyo
Shirkadda Soofe waa Damal
Dadkoo dhami hadhsanayaa.