Guddoomiyaha Gudidda Doorashooyinka Gobolka Sanaag Iyo Masuuliyiin Kale Oo Maleeshiyadda Puntland Ku Af-duubtay Deegaanka Badhan

0
444

Ceerigaabo(Dawan):-Maleesiyo  taabacsan Maamulka Puntland, ayaa shalay  ka  qafaashay   8 qof oo u dhashay Somaliland  oo ku gudo jiray hawlaha wacyi gelinta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha gobollada Sanaag iyo Badhan.
 
Sideeda qof ee Maamulka Puntland afduubay  oo kala ah Guddoomiyaha  Gudiga Doorashooyinka ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi,  Guddoomiyaha  Hay’adda Tanabtaabo, Cumar Jaamac  Sarkaal kale oo ka socday Hay’ad kale oo ay Tabantaabo ka wada shaqaynayaan dhanka wacyigalinta Codbixiyeyaasha oo lagu magacaabo Ismaaciil, Xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo,dirawal iyo hawlwadeeno kale.
 
Masuuliyiintan waxa la afduubay  iyagoo  marayay  degaanka Yubbe oo u dhow magaalada Hadaaftimo ee gobolka Badhan.  Xubnahani ayaa  u baxay  socdaal ay ku samaynayaan wacyigalinta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha oo ay  ku soo marayeen gobollada Sanaag  iyo Badhan.
 
Xildhibaan Qamar Talleex  oo aanu xalay  telefoonka kula  xidhiidhnay ayaa  ayaa ku dooday in aan lagu sheegi karin afduub balse ay tahay dhibaato deegaanka gobolka Badhan ama Sanaag Bari ka jirta oo ay ku sheegtay in deegaanadaas ay ku sugan yihiin  laba Maamul oo kala ah Somaliland iyo Puntland loona  baahan yahay in ay Somaliland dhulkeeda wada hanato oo ay ka saarto  Puntland
 
“Annagu waxaanu ahayn sideed qof oo u socday wacyigalinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha oo aanu ku tegaynay Sanaag Bari amma gobolka Badhan laakiin markii aanu maraynay meel u  dhaxaysa Yubbe iyo  Hadaaftimo, ayaa waxaa na qabtay ciidan ay leedahay Puntland oo        fadhigoodu Hadaaftimo.  Waxaanay  na geeyeen magaalada Badhan oo nalagu xidhay laakiin markii dambe aniga way isii daayeen laakiin raggii wali way u xidhan yihiin waxaana socda wada hadalo oo odayaasha iyo Madaxdhaqameedka magaalada ayaa ku hawlan soo daynta ragga hadda xidhan,”ayay tidhi xildhibaan Qamar.
 
Xildhibaan Qamar,ayaa  u soo jeedisay Xukuumadda Somaliland  in ay hanato guud ahaan deegaanka Sanaag Bari ama gobolka Badhan  oo ay ku sugan yihiin ciidan iyo Maamul taabacsan Puntland kuwaasoo ku sugan magaalooyinka Hadaaftimo,Badhan iyo meelo kale.Waxaanay tidhi “Degaanka Sanaag Bari ama Badhan waxaa ka jira maamul kale oo ay leedahay Puntland oo ciidan iyo maamul ayaa uga dhisan magaalooyinka Hadaaftimo ee Badhan.   markaa waxaa looga baahan yahay Xukuumadda Somaliland in ay dhulka Somaliland ka xorayso Puntland-ta ku soo xad gudubtay ee maamulka iyo ciidankuba ka joogo sababtoo ah Dhulka iyo dadkuba waa Somaliland laakiin waa in meesha laga saaraa sheegashada Puntland ee ay ku doodayso deegaanka in ay joogaan oo ay ka taliyaan.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply