Xukuumadda Oo Wakiiladda U Gudbisay Xeerar Ku Baaqday Dawladihii Tallada Dalka u Kala Dambeeyay

0
310

Hargaysa (Dawan): Golaha Wasiirradda Somaliland, ayaa aqalka Wakiiladda u soo gudbiyay  shan xeer  baahi weyn loo qabay oo  la xidhiidha nidaamka maaliyadda iyo xisaabaadka dalka, oo muddo badan laga sugayay xukuumadihii u kala dambeeyay tallada dalka. Xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda C/risaaq Siciid Ayaanle, oo   shalay hadal ka jeediyay tababar uu golaha wakiiladu u qabtay ardayda wax ka barta jaamacadda Hargaysa, ayaa    sheegay in ay isla shalay  golaha wasiirradu u soo gudbiyeen Wakiiladda shan xeer oo muhiimad u leh qaranka.
 
“Waxaa  golaha maanta (shalay)  loo soo gudbiyey shan xeer oo aad muhiima ugu ah qarankan oo aad loo sugayay.Shantaas  xeer oo kala  ah:  Xeerka maaraynta maaliyada iyo xisaabaadka, xeerka  Hanti-dhawrka guud,Xeerka Kastamadda, Xeerka dakhliga cashuuraha berriga iyo  xeerka qandaraasyadda dawladda Somaliland. Xeerarkaasi  waa xeerar aad u muhiim ah  qarankeenna waa xeerar in badan laga sugayay illaa dawladii ina Rayaale.  Golaha  Wasiirrada ayaa  soo gudbiyay shirguddoonkuna waxa uu u  gudbin doonaa gudiyada ku shaqada leh,”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee aqalka wakiiladdu.
 
Dhinaca  kale  Mr.  C/risaaq Siciid Ayaanle wax auu shalay kulan uga furay  xarunta golaha    ardayda wax ka barta Jaamacada Hargeysa,  kaas oo ku saabsanaa sidii ardayda Jaamacadaha  dalku wax uga baran lahaayeen xeerarka dalka u yaalla iyo shaqada uu qaranka u qabto golaha Wakiiladu.
C/risaaq Ayaanle mar uu   ka hadlayay kulankaasi  goluhu  u qabtay ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo waxa uu ku saabsan yahay waxa uu yidhi  “Waa barnaamij aanu ugu tallo galnay in dhalinyarradu fahmaan doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo shuruucda dalka. Kuwani  waa ardayda jaamacadda  Hargeysa,  bisha dambena jaamcadaha  kale ayaan u qaban doonaa  illaa jaamacadaha gobollada ayaanu gaadhsiin doonaa. waa  barnaamij la isku fahamsiinayo golaha   wakiiladdu waxa uu u qabto oo dhallinyarradu tahay dadkii bedeli lahaa xildhibaanada kuraasta fadhiya.”
By: Khadar  M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply