Wasiirka Biyaha Oo Sheegay In Bulshadda Deegaankiisu u Diyaar-garoobeen Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha

0
333

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac,  ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag Barri inay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaanu  sheegay   in ay hore xuquuqdooda  ugu waayeen dadweynaha ku nool goboladda Sool iyo Sanaag Barri doorashooyinkii dalka  ka qabsoomay ee aanay codaynin.
Wasiir Baashe, waxa uu sidan ka sheegay   hadal uu  Khamiistii    ka jeediyay  munaasibad   lagu qabtay Huteelka   Ambassador ee magaaladda Hargeysa. waxaanu carabka ku  dhuftay in wakhti xaadirkan dadweynaha goboladaasi ay u heelan yihiin  sidii ay uga   qaybgeli lahaayeen doorashooyin soo socda.   Isagoo  arrimahaasi ka hadlayayna wax uu yidhi  “Dadweynaha gobolada Sool iyo Sanaag bari xilka saarani waxa weeyi  inay ka qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha,  oo ay ka hadho ma codeeyaan.  Taasina  duruufo badan ayaa keeni jirtay,  duruufihiina  maanta waa is-bedeleen, oo  dadku way soo jeedaan.  Haddii   aynu ka hawlgalno,  umaddana la wacyigeliyo,  diiwaangleintana ay galaan dadka ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag Barri,  waan hubaa in cod badani ka soo bixi doono.” Wasiirku waxa uu  intaasi ku daray “Arrintu sidii hore  ahaan mayso,   xaaladuhu way ka duwan yihiin sidii hore,  waana  la codaynayaa.  Waayo?  xuquuq badan oo dadkaasi ay lahaayeen ayay ku waayeen codayn la’aantii hore,  faham la ‘aan ayaana iska jiri karta hadda se waa la codaynayaa.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office.

Leave a Reply