Khubarrada Baadhitaanada Maraykanka Iyo Giriiga Oo Helay Hadhaaga Doon Degtay 2500 Sanno Ka Hor

0
354

Kooxaha baadhitaanada taariikhaha ayaa markii ugu horeysay badda hoosteeda ka helay doono waqtigay degtay ay ka soo wareegtay waqti aad u dheeri,taas oo hadda hadhaageeda laga helay badda gunteeda.
kooxdan oo ka socota wadamada Maraykanka iyo Giriiga ayaa sheegay in doontan ay heleen ay isticmaali jireen dadka reer Giriig,taas oo lagu magcaabi jiray Greek Wreckage ,waxaanay sheegeen inay degtay muddo  ilaa 2500 oo sanno,ayna ku qiyaaseen inay noqonayso 700 BC ka hor.
doontan ayay sheegeen kooxdani inay isaga gooshi jirtay magaalooyinkii la odhan jiray Aegean ,Cyprus iyo wadanka Masar oo ay xidhiidh lahaayeen labadaasi magaalo,taas oo ku xumaatay ugu dambayntii badda wadanka Masar la wadaago wadanka Giriiga.
khubarradan ayaa aaminsan in baddan u dhaxaysa Masar iyo Giriiga laga heli karo illaa 40 doomood oo caan ka ahaa wadanka Giriiga waqtiyadaasi hore oo halkaasi ku degey.
ninka kooxdan horkacayey oo lagu magcaabo George Couttsolaaks ayaa ku dhawaaqay in saynisyahanadan baadhitaanada waday ay caddeeyeen in markabkani ama doontani kamid ahayd kuwii ugu dhaadheeraa waqtigaasi uguna amaanka badnaa .
khubarradan ayaa sheegay in doontii ugu taariikhda dheerayd ee ay helaan ahayd mid degtay waqti hore oo da’ahaan lagu sheegay inay gaadhaysay 2500 oo sanno ,taas oo ku noqonaysa taariikh ahaan 700-480 BC oo taariikhdii Giriiga ah,waxaanay doontii ugu dambaysay ee ay helaan taariikh ahaan ku noqonaysaa ilaa qarnigii lix iyo tobnaad .
doontan ayay sheegeen khubarradani inay dherer ahaan gaadhaysay 3 meter halka ay joog ahaana gaadhaysay ilaa 55 meter,waxaanay ka mid noqonaysay doomihii ugu dhaadheeraa waqtigaasi.

Leave a Reply