Maxaad Ka Taqaanaa 10 Wadan Ee Afrika Ugu Musuq Maasuqa Badan?.

0
410

8:Nigeria:wadankan ayaa kaalinta sideedaad ka galay wadamada uu ragaadiyey musuq maasuqu qaaradan Afrika,iyada oo dadka dalkani ku dedaaleen sidii ay u yarayn lahaayeen musuq maasuqa,waxaana la sameeyey xafiisyo la dagaalama musuqa wadankaasi ka jiray.
guddida la sameeyey ayaa lagu magcaabaa Economic and Financial Crimes Commission ,kaas oo ka caawia dawlada la dagaalanka musuq maasuqa,waxaanay badhitaano ku sameeyeen xafiisyo badan oo kuwa dawlada ah.
ururkan ayaa si uu ula dagaalamo musuq maasuqa waxa uu toddobaad walba soo saaraa liis uu kaga hadlaayo halka uu maraayo dhaqaalaha wadankaasi,waxaana xisaabtaasi lagu sameeyaa laguna saleeyaa 33 dawlad degaan oo wadankaasi ka kooban yahay iyo 700 oo dawlad hoosaad oo magaalooyinka wadankaasi ka jira.
is bar bar dhig lagu sameeyey liis laga soo saaray musuq maasuqa wadankaasi ee hadda iyo 10 sanno ka hor ayaa la sheegay inuu sidii hore aad hoos ugaga dhacay.
9:Kenya:wadanka sagaalaad ayaa ah wadanka Kenya,waana wadan ku caana iibka geesaha ama foolka maroodiga oo si qarsoon loo iibiyo,waxaana waqti hore is casilay guddoomiyihii la dagaalanka musuq maasuqa oo lagu magcaabi jiray Czar Githongo,waxaana waqtigaasi ka dib xadhkaha goostay musuq maasuqa ,iyada oo waqtigan ay dadka kormeereyaasha caalamiga ahi sheegeen inuu soo yaraanaayo musuqa dalkaasi.
tan ayaa lagu sababeeyey iyada oo ay dadku aad uga taxadiraan bixintiisa iyo qaadashadiisa,sidoo kalena la sameeyey wacyigelin badan.
baanka adduunka ayaa dhowaan xanibay lacag dhan 120 million oo lacagta Doollarka ah,taas oo lagu maal gelin lahaa Easta African Trade ka,waxaana looga cabsaday inay hab musuq ugu dhacdo jeeb kale.
10:Republic of Congo Brazzaville:wadanka ugu musuqa yar ayaa lagu sheegay inuu yahay wadankan ,iyada oo madaxweynaha wadanka oo lagu magcaabo Denis Sassou Nguesso uu yahay in hore u ahaa ninka ugu musuqa badan qaaradda,kadib talaabooyin dawladaha caalamku ka qaadeen kadib,waxa uu sameeyey guddiyo la dagaalama musuqa oo uu lacago ku kharash gareeyo.
madaxweynahan ayaa ah mid hore uga macaashay musuq wadankan,isaga oo afgembi ciidan ku qabsaday,waxanu lee yahay maraakiib kuwa saliida ah iyo sidoo kalena shirkaddo macdaneed oo tiro badan.
Dhamaad.
 

Leave a Reply