Magaalo Bakayluhu Xoolahooda Yahay

0
630

Magaalada Ōkunoshima oo dalka Japan ku taalla waxa lagu naanaysaa magaaladii bakayleyaasha. Waa magaalo ay dad badani uu dalxiis tagaan. Sida lagu daabacay bogga Amazing Planet. Magalaadan oo ku taalla jasiiradaha Japan ugu waaweyn ayaa ahayd dagaalkii labaad saldhig ciidan.
Waxaana la sheegay  in wakhtigaasi loo keenay bakayleyaasha si tijaabooyin shaybaadh loogu sameeyo oo dhinaca daqooyinka iyo suntan ah, kuwaasi oo mudadaasi wixii ka dambeeyay aad ugu tarmay magaaladan.
Wargeyska “Los Angeles Times” ayaa daabacay in bakaylayaashu ay magaalada wakhtigan aad ugu badan yihiin oo caruurtu dugisyada u kaxaystaan.
Bakayleyaashan ayaa magaaladan u soo jiiday in dadka dalxiiseyaashu ay aad ugu bataan iyagoo xiisaynaya goobta ay ku taallo iyo weliba bakayleyaasha magalaadaasi oo loo dhaqdo sida xoolaha kale.   Waana magaalo bakayluhu yahay xoolahooda.

Leave a Reply