Meherka Gabadhu Waa Jiir Iyo Dukhsi!

0
365

Jiirka iyo dukhsiga ayaa ah meherka dumarka deegaanada isku raranta saboolka ah ee dalka Shiinaha. Ninka guurdoonka ah ayaa laga rabaa inuu keeno laba kiiloo oo Dukhsi ah si loogu meheriyo gabadha uu guursanayo. Meherkan ayaa la sheegayaa inay ujeedadiisu tahay sidii loo ilaalin lahaa deegaanka iyo nadaafadiisa.
Sidaa darteed ninka ayay waajib ku tahay inuu ururiyo xidhmooyin qashin ah oo dukhsi ah. Deegaanada qaarkood meherka gabadha ayaa ah tiro go’an oo jiirar ah.
Dhinaca kalena Jasiiradda Jawa ee ku taalla badweynta Baasafiga ayaa iyadana dhaqankeedu yahay in ninka guur doonka ahi uu xaakinka magaalada u geeyo 25 xabo oo ah jiirka dabadiisa.  Iyadoo magaalooyinka qaarkoodna uu ninka guur doonka ahi Jiirar nool ku ridayo sanduuq k dibna u gudbinayo xaakinka magaalada.  Tirada jiirarka meherka ah ayaa u kala badan sida ay dumarku u kala qurux badan yihiin.

Leave a Reply