Nin Aan Muddo Dheer Seexan

0
332

Waxay noqotay arrin yaab ah markii la ogaaday in nin lagu magacaabo Tai Nibus oo u dhashay dalka VItnam  oo da’diisu tahay 33 sano in aanu seexan muddo dheer. Ninkan ayaa la sheegay in maalin kasta uu lugeeyo masaafad dhan 4 km deegaank uu ku nool yahay ee  Que Son.
Ninkan ayay hurdo la’aantu ku dhacday markii uu asiibay xanuun xumad ah . Dhakhaatiirta oo baadhis ku sameeyay ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid fiican inkasta oo aanu hurdo habeen iyo maalin midna seexan. Waxaanay sheegeen inay weli wadaan baadhista sababta aanay ninkan wax dhibaato ah uga keenin hurdo la’aantu.
Nibus oo miisaankiisu gaadhay 50 kg, ayaa la sheegay inuu hurdo la’aanta uga faa’iidaysto ilaalinta beertiisa iyo qoyskiisa.

Leave a Reply