Somaliland Iyo Itoobiya Oo Aas Qaran Ku Sagootiyay Weriye Cawke Oo Lagu Aasay Magaaladda Tog-Wajaalle

0
450

Wajaale(Dawan):  Alle u naxariistee waxaa shalay aas  qaran loogu sameeyay qabuurro ku yaalla magaaladda Tog-Wajaale   Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke oo habeen hore niskii dambe ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaaladda Jig-jiga ee   dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Marxuum weriye Axmed Xasan Cawke oo    habeen hore la dhigay cusbitaal ku yaalla Jig-jiga  kadib markii xanuun kedis ahi  ku soo booday ayaa isla habeen hore waaberigii ku geeriyooday Jig-jiga.
Geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke oo laga dareemay guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto ayay Madaxda dawladaha  Somaliland, Soomaaliya iyo Maamul goboleedyadeeda iyo madaxda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya intuba ay  tacsi u direen eheladda, qaraabadda iyo axsaabta uu ka  baxay Axmed Xasan Cawke.
 
Marxuum Axmed Xasan Cawke ayaa ka mid ahaa foolaadka iyo tiirarka saxaafadda Soomaalida waxaanu ku soo gudo jiray  warbaahinta laga soo bilaabo 1972.kii iyo illaa imika oo uu geeriyooday.
Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum Axmed Xasan Cawke oo lagu aasay shalay  beer ku taalla dhinaca Itoobiya ee Wajaale oo qoyskoodu lahaa isla markaana uu ku aasan yahay Aabbihii Xasan Cawke.ayaa waxaa ka soo qayn galay Madax kala duwan oo kala  kala socotay dalalka Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan  Wasiiro iyo masuuliyiin ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhinaca Somaliland waxaa aaska Marxuumka ka qayb galay Wefti qaran oo uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kana mid ahaayeen Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil(Cirro) Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,wasiirro, xildhibaanno,salaadiin culimo awdiin, bahda Warbaahinta oo aan u kala hadhin iyo dadweyne aad u tiro  badan oo ka kala yimi Somaliland,Itoobiya,Soomaaliya iyo Jabuuti.
 
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa tacsiyo qaran ka diray Geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray marxuum ayaa ku sifeeyay Wariye Axmed Cawke tiir dhexaad ka baxay Warbaahinta guud ahaan afka Soomaaloga ku hadasha isla markaana waxaanu tacsi qaran u diray Madaxweynaha Somaliland qaybaha kala duwan ee Bulshada afka Soomaaliga ku hadasha iyo gaar ahaan Somaliland.
 
TACSI MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday     dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.
 
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale  waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa  ha ka siiyo. Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed ka soo baxay Qasriga Maxadtooyada Somaliland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke,ayaa yidhi. “Marxuum Axmed Xasan Cawke wuxuu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid kasta way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intuu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo,’’
Sidoo  kale waxaa  tacsiyo qaran  ka diray Geerida Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke.Madaxweyne  Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabidraxmaan Cirro,Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
 
Madaxweyanaha  Is-maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  oo dhamaantood aaska Marxuumka ka wada qayb galay iyo Salaadiinta Somaliland oo uu afkooda ku hadlayay Afhayeenka Salaadiinta Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray.Cumo awdiin.
 
Qaar ka mid ah  Ruug caddaaga Saxaafadda Somaliland ee ay soo wada shaqeeyeen iyo guud ahaan  waxgaradka goomiyadda Soomaalida oo Marxuumka ku sifeeyay tiir dhexaad ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo aan la helayn isla markaana waxay alle uga baryeen in uu naxariisiisa macaan ugu deeqo oo uu dambigiisa dhaafo waxaanay waxaanay sidoo kale ehelka,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan bahda Warbaahinta ee uu ka baxayna ay alle uga baryeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 
 
 
 
 
ALLAHA  u naxariistee Wariye Marxuum Axmed Xasan Cawke,ayaa ku dhashay sanadihi afartamaadkii magaalada Wajaale,waxaanu waxbarashadiisa ku soo qaatay Wajaale,Gabilay,Hargeysa,Cadaadlay iyo Boorama.
Waxaa uu ka mid noqday bahda Warbaahinta Soomaalida 1972.dii markaasoo uu ka mid noqday wariyeyaal ka hawl galay.
Marxuum Cawke wuxuu noqday Wariye caan ah oo  hantay dhagaystayaasha  afka Soomaaliga ku hadla ee uu codkiisu gaadhay markii uu muddo yar ku jiray warbaahinta  kana hawl galayay Radyow Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telafeshinkii Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Soomaaliya.
.
Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isaga oo si weyn loogu yaqaanay cod karnimo tabiye luuq wacan oo ay jeclaystaan dhegaysteyaashiisu.
Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefashin oo gaar loo leeyahay.
Hibooyinka gaarka ahaa   Marxuum Cawke:
Wuxuu ahaa Marxuumku wariye iyo barnaamij soo saare aan wali mawduucuu tebinayo ama soo saaray aanay diidin dhegaysteyaashiisu ama aanay ka caajisin,waxaa uu Marxuumku ahaa shaqsi mawduuca uu ka hadlayo yaqaanay halka uu ka bilaabayo iyo dhanacyada uu uga baahan yahay in uu xogta ka helo iyo sida loogu gudbinayo dhegaystayaasha amma daawadayaasha taasoo sabab u noqotay in uu noqdo markiiba noqdo Wariye Caan ah.
 
Muxuu Ku Wacnaa Cawke Tabintooda:
Wariye MarxuumAxmed Xasan Cawke waxaa uu ahaa Wariye  aan ku wanaagsanayn mawduuc kaliya oo uu ku fiican yahay laakiin waxaa uu ahaa Wariye Madadaalada tabintooda kaalinta koobaad ku ahaa oo aan  hortii la hawaysan karayn haddii uu goobta joogo,haddii uu maqan yahayna qof kasta oo barnaamij maaweeyo iyo hambalyo ah sii daynayaa waxaa uu jeclaain uu ku daydo Marxuum Cawke. Waxaa  kale oo uu ahaa Wariye barnaamij wacyi galin ah haddii uu soo jeedinayona yaqaanay sida bulshada wax loogu sheegayo iyo suugaanta ay uga baahan tahay wacyigalinta uu sheegayaa iyo sida ay dadku ku qaadanayaan.
II DHEHDA RIWAAYADAHA IYO CAWKE: 
Laga soo bilaabo markii uu Wariye Marxuum Cawke ku soo biiray radyow Muqdisho iyo illaa Burburkii dawladdii  la isku odhan jiray Soomaaliweyn 1991,dii.waxaa uu ahaa Wariyaha ugu wanaagsan ee ay Abwaanadau u xushaan in uu sameeyo oo uu tabiyo iidhehda ay Riwaayadda ay soo sameeyeen yeelanayso ee idaacahada Radyow Muqdisho iyo Radyow Hargeysa uga baxaysa ee  ay dadweynuhu ugu soo dhiiranayaan daawashada riwaayaddaas.
 
 
Haasaawiye aan hayb aqoon:
Wuxuu ahaa Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke haasaawiye aan golaha uu joogo lagu caajisin isla markaana aan lagu kala tegin,wuxuu ahaa bulshaawi  hadba cidda uu la jooga la fil ah oo hadal iyo haasaawi maankooda leeg la wadaaga waxaa uu ahaa qof ku wanaagsan xidhiidhinta bulshada ay is bartaan isla markaana ka xor ah cudurka Soomaalida ragaadiyay ee qabyaaladda oo ay shanta Soomaaliyeed u siman yihiin isla markaana wada walaalo la ah,dhammaantoodna wariye u wada ah.
Waxaa uu ahaa Wariye kalidii idaacad dhan wadi kara. Sida uu ku sifeeyay Madixii hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Maxamed Cabdilaaho oo sheegay haddii Idaacadda BBC-da la odhan lahaa qof kaliya ayaa lagu soo reebayaa oo kalinteeda oo dhan buuxin kara in qofkaasi uu noqon lahaa Marxuum Cawke oo uu tilmaamay in uu maaweelada kow  ku ahaa, wararka isaga looga dambaynn lahaa isla markaana luuq iyo tabin la wada fahmayo oo aan laga caajisayna uu hibo gaar ah u lahaa.
 
 
 
                         Jilaa filim
Waxaa uu soo saaray Marxuum Axmed Xasan Cawke  filim uu jilaa  ka yahay oo la magac baxay Qan iyo Iil.Waana hibo kale oo uu Cawke lahaa oo ah in uu noqday jilaa  filim soo saare ah. Marxuum Axmed Xasan Cawke,ayaa ifka kaga tegay 6 Ubad ah iyo Xaas waxaanu intii uu noolaa uu guursaday sadex dumar ah oo u dhalay lix caruur ah  oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxaanu imika  lahaa Xaas  degen Lonlon. ALLE ha u naxariisto Marxuum Axmed Xasan Cawke qoyska ,Ehelka,qaraabada,asxaabta, iyo guud ahaan qoomiyadda Soomaalida Geeska Afrika ee uu ka baxayna ALLE samir iyo Iimaan ha ka siiyo. Aamiin
Dawannews Hargeysa office
 
 
 

Leave a Reply