Dawladaha caalamka mid kasta waxay leedahay lacago u gaar ah oo ay isiticmaasho, iyadoo dabacaadda, ilaalinta iyo in aan la soo gelin suuqa iyadoo foorjari ah u xilsaaraan. Lacagta ayaa laga sameeya waraaqo ama bir macdan ah.
Dalka Mangolia wuxu ku yaalla bariga Aasiya waxaana uu xad la wadaagaa dalalka Ruushka iyo Shiinaha.
Managoliya ayaa Sanadkii 2007 samaysatay lacag diinaar bir ah, taasi oo ay ku sawireen madaxweynihi hore ee Maraykanka John F.Kenedy, arintaasi oo aan la fahmin waxay dawladaasi uga jeedo iyo sababta loogu sawiray Kendy, maxaa yeelay Kendy wax shaqo ah kuma lahayn Managolia, mana uu ahayn mid waxtaray ama u dhashay.
Waxa kale oo lacagtan caajiib ka dhigay iyadoo leh badhan marka hoos loo riixayo kula hadlaya, taasi oo cadaynaysa in aanay ahayn mid foorjari ah ee ay tahay asalkii.