Abaa-Cuud oo ka badbaaday booliska Athens

0
326

 fursad lagu qaban lahaa ninkii hogaaminayay weerarradii Paris xilli uu bishii January ku sugnaa caasimadda Giriiga ay fashilantay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliska argagixisa la dagaalanka Belgium ayaa sheegay in howlgalka Athens ee lagu bartilmaameedsanayay Abaa-Cuud, lagu waday inuu dhaco ka hor howlgal ay booliska ka fuliyeen magaalada Verviers ee Belgium, balse ay wax isdaba mareen.
Cabdulxamiid Abaa-Cuud ayaa isaga oo jooga Athens taleefanka ku hagayay koox mintidiin ah oo ku sugan gudaha Belgium.
Lama oga sababta iyo qaabka uu Abaa-Cuud kaga baxsaday laamaha ammaanka ee Giriiga. Dowladda Giriiga ayaan ka hadlin macluumaadka howlgalkaasi.
Cabdulxamiid Abaa-Cuud oo lagu dilay duleedka Paris ayaa la sheegay inuu ahaa ninka hagayay kooxdii fuliyay weerarradii caasimadaasi ka dhacay 13-kii November ee ay ku dhinteen 130-ka qof.
Salah Abdeslam oo ah nin loo doondoonayo inuu ku lug lahaa weerarradii Paris ka dhacay ayaa sidoo kale soo maray dalka Giriiga, asaga oo dooni kaga soo galay Talyaaniga.
Sidoo kale lama ka mid ah raggii isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Stade de France ayaa soo maray jasiiradda Leros ee Giriiga, ayaga oo qaxooti ahaan dooni kaga soo raacay Turkiga.
Macluumaadkan hadda soo baxay ayaa su’aal gelinaya wada shaqeynta laamaha argagixisa la dagaallanka ee dalalka Yurub.
Waxaa suuragal ah in haddii Cabdulxamiid Abaa-Cuud lagu qaban lahaa Athens bishii January, ay taasi keeni lahayd in laga badbaado weerarradii ka dhacay Paris.

Leave a Reply