Shimbir Fashiliyay Dil Geystaha!

0
349

Weriyaha Viga Sharma oo ah Hindi  oo ku nool gobolka Atrbaraadish ee waqooyiga dalka dalka ayaa markii uu ku soo noqday gurigiisa la kulmay islaantiisa Niolam Shram iyo eygiis oo dhintay.
Weriyuhu aad ayuu u naxay isagoo filayay in aanu heli doonin sharci loogu fuliye kuwii arxanka daraaa ee ka dilay  gabadha iyo eyga, maxaa yeelay mahayo markhaatiyaal goob joog ah oo qiraya cidda geysatay dilalkaasi.
 
Waxase dhacay arrin yaab leh markii uu u yimi wiilka uu abtiga u yahay isagoo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ayay qaylisay shimbirka babaqaaga ee uu lahaa.
Shimbrika ayaa marka kasta oo magaciisa la soo qaado wiilkan bilaabayay cidiisa oo joogto ah. Wiilkan oo lagu magacaabo Ashutosh ayuu booliiska u sheegay Abtigii Mr.Sharma.
Booliska ayaa markii ay su’aalo weydiiyeen u qirtay inuu dilka islaanta iyo eygaba geystay ka dib markii u doonayay inu guriga xado oo ay ugu soo gashay isagoo ka baqday inay boliiks u dhiibto. Eygana sababta uu u dilay ay ahayd isagoo ka baqay inuu sheego qofka dilka geystay.

Leave a Reply