Waa Maxay Sababta Dumarku Caadifiiyinta U Yihiin Raguna Uga Fikiraan Go'aanada Ay Qaadanayaan?

0
459

Daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen cilmibaadheyaal u dhashay wadanka Norway ayaa lagu sheegay in ay jirto waxyaalo keena in dumarku noqdaan caadifiyiin ku deg dega waxyaalo badan ,halka raggu waqti siiyo go’aanada ay qaadanayaan.
khubaradan daraasada samaysay ayaa sheegay in uu jiro dheecaan loo yaqaano Testosterone ,kaas oo dhiiga ku jira kuna kala badan ragga iyo dumarka,waxaanay intaas ku dareen inuu aad ugu badan yahay dumarka,isaga oo kiciya dhiiga,kadiba ay sababto inay gabadho go’aanka iska qaadato.
dheecaankan ayaya sheegeen xeel dheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey inay ku yartahay ragga marka loo eego dumarka,iyada oo uu ka tan badan yahay dhiigu,taasina aanay saamayn ku yeelan kicitaanka dhiiga ninka ama raggaba.
sidoo kale waxay sheegeen cilmibaadheyaashani in uu dheecaankani saamayn ku yeesho maskaxda oo ah meelaha go’aanada qaata iyo sidoo kale wax walba oo la samaynaayo  oo ay samaynayaan dadku.
saynisyahanadan ayaa tilmaamay in markasta oo uu dhiiga dumarka ku bato dheecaankani inay gabadhu qaadato go’aan adag oo aan laga fikirin ama laga fiirsan ,kaas oo uu sababo dheecaankan dhiiga ku jira oo keena inuu gabadha ka kexeeyo xaaladeedii caadiga ahayd.
cilmibaadheyaashan ayaa rumaysan in kala duwanaanshaha qaabka shaqo ee maskaxda ragga iyo dumarku  yahay mid marwalba laba kala duwan ah,iyada oo dumarku ka fikiraan waxyaalo ay agagaarkooda ka helayaan ,halka uu ragguna ka fikiro waxyaalo laga yaabo inay waqti qaadato.
 
 

Leave a Reply