Ardayad Sucuudiga U Dhalatay Oo Cilmi Cusub Ku Soo Kordhisay Dunidda

0
319

Hargeysa (Dawan):-Ardayad khabiir ah oo u dhalatay dalka Sucuudi Carabiya, kuna nool waddanka Austrelia, isla markaana cilmiga noolaha (biology) ka diyaarinaysa shahaaddada Phd-da, ayaa horumar ka samaysan cilmigeeda, iyadoo soo saartay hab cusub oo lagu soo saari karo ugaxaanta dullin yar oo ku nool mindhicirada laf-dhabarlayda (noolaha laf-dhabarta leh).
Gabadhan oo la yidhaa Basma Ashour Khallaf oo shahaadada Phd-da ka wada cilmiga tiknoolajiyadda sayniska, gaar ahaan bay’oolajiga (Biotechnology and Biology), ayaa qormadeedan ku daabacday wargeyska International Water Association Journal, sida aanu ka soo   xiganay  shabakadda Maankaab.
Dulinka Ascaris amma Ascarid waa dirxi ka mid ah bahda la isku yidhaa Ascaridae oo dulin ah, kuwaasoo ku nool mindhicirka laf-dhabarayda. Dulinkan ugaxaantiisa waxa inta badan laga helaa saxarada iyo ciidda. Waxa qaada qof kasta oo quuta amma noole kasta oo u dhawaada. Qofka qaada dulinkan ugaxaantiisa waxa ku dhaca xannuuno caloosha ah oo khatar badan leh.
“Waa horumar cajiib ah, loona aqoonsan karo cilmi-baadhista ay Basma samaysay mid aad u muhiim ah oo khabiirnimo ka muuqato,” ayuu yidhi macallinka cilmi-baadhisteeda ka hagayey gabadhan diyaarinaysa shahaadada PHD-da.
Jaamacado dhawr ah iyo shirkado ay ku jirto shirkadda South East Water iyo ALS Water Resource Group oo Australia laga leeyahay iyo sidoo kale kooxo cilmi-badhayaal Sucuudi ah, ayaa haweenaydan u sheegay inay danaynayaan mashruuceeda, isla markaana kala shaqaynayaan si ay cilmigeeda uga dhigaan mid midho-dhala oo adduunka waxtar u yeesha.

Leave a Reply